Puntland”Maxkamad Dil Ku Xukuntay 17 Qof Oo Argaggixiso Lagu Sheegay
June 15, 2021 - Written by admin
Gaalkacyo(Berberatoday.com)-Maxkamadda sare ee Ciidammada qalabka sida ee Puntland, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 17 nin oo ka tirsan ururka Alshabaab. Halka mid 18-aad oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Axmed Buraale lagu xukumey Xabsi daa’in, sida lagu xusay go’aan maxkamadda kasoo baxay.

Dadkan la xukumay, ayaa 5 ka mid ah waxay Maxkamaddu ku sheegtay in ay yihiin horjoogayaashii ugu sareeyey ee go’aamin jirey dilalka iyo qarxyada Gaalkacyo, halka 12 kalena ay dilalka loo diro fulin jireen.