Maxkamadda Gobolka oo Ansixisay Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Hargeysa 2021
June 16, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa maanta si rasmiya u ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa oo Komishanka doorashooyinku hore ugu gudbiyeen

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Maxkamadda gobolka, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha iyo Garsooreyaasha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, saraakiil ka socday saddexda xisbi Qaran, taliyaha ciidanka Booliska Somaliland iyo mudaneyaasha loo doortay Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa.