Midawga Yurub Oo Joojiyey Inta Badan Dhaqaalaha Ay Ku Caawin Jireen Ciidammada Kenya
June 20, 2021 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Midawga Yurub, ayaa jaray 66% dhaqaalaha uu ku taageeri jiray Ciidammada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Amisom ee Soomaaliya ku sugan.

Jarista dhaqaalahaan, ayaa dhaqan galidoonta bisha Luulyo ee sannadka soo socda, iyadoo loo tixgelinayo inay Ciidammada Kenya ka baxayaan Soomaaliya.
Ciidammada Kenya, ayaa bishii Aktoober ee sannadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya.