Laba Xildhibaan Oo Isku Beel Ah, Xisbina Ka Soo Wada Baxay Oo Ku Tartamaya Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiillada
June 27, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Loolanka loogu jiro Saddexda xubnood ee noqonaya shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maraya Meel xaasaasi ah, waxaana soo baxaya xubno cusub oo doonaya inay xilkaasi qabtaan.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, ayaa waxa hore ay Xisbiyada WADDANI iyo UCID u shaaciyeen inay u soo xuleen Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo Xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Sanaag, kaasi oo Isbahaysiga Mucaaradku isku raaceen inuu ugu tartamo xilkaasi.