Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Fadhigii Labaad Ku Dhagaysatay Dacwadaha La Xidhiidha Natiijadii Doorashada Golaha Wakiillada
June 28, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali iyo 9 garsoore oo kala ah ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Axmed Diiriye Qaalib, Yaxye Cali Idiris, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Cabdilaahi Cabdi Aadam oo ay wehelinayso kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Sahra Ismaaciil Cabdilaahi ayaa maanta fadhi buuxa (Full bench) ku dhagaystay 7 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada JSL.