berberatoday.com
Al-shabaab Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay 6 Qof Oo Ay Ruux Haween Ahi Ku Jirtay
June 29, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Ururka Al-shabaab, ayaa meel fagaare ah ku toogatay lix qof oo ay haweenay ku jirtay oo lagu eedeeyay in basaasiin u ahaayeen sirdoonka Maraykanka, sida lagu sheegay bayaan kooxda ka soo baxay.

Toogashadan, ayaa ka dhacday degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe halkaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne oo u soo daawasho tagay xukunka lagu fulinayay dadkan.

Ururka Al-shabaab, waxay sheegeen in ay dadkan ka soo qabteen deegaanka Kuunyo Barroow halkaas oo sanadadii la soo dhaafay ay ka dhacayeen duqeymo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Qaadiga Maxkamadda Jubbooyinka oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka, ayaa sheegay in dhammaantood ay qirteen waxyaabaha lagu soo eedeeyay oo ahaa in ay indha u ahaayeen diyaaradaha Mareykanka.

Dadka Al-shabaab xukunka dilka ku fuliyeen, ayaa lagu kala magacaabaa, Cumar Cabdul Qaadir Hiiraale, 36 jir, Cabdi Xasan Axmed, 29 sano jir ah, Fartuun Cumar Abkow, 36 sano jir iyo Ibraahim Cumar Cali, 55 sano jir ah.

Maaha markii ugu horaysay oo A-lshabaab dad u dilaan basaasnimo. Sanad kaste dad badan ayaa meelo fagaare ah lagu toogtaa, iyagoo lagu eedeynayo dambiyo kala duwan oo ay basaasnimadu ugu badan tahay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews