Maraykanka Oo Cadeeyay In Ciidamo Somaaliya Udirtay Eritrea Ay Ka Qaybgaleen Dagaalkii Itoobiya Ee Gobolka Tigrey.
July 3, 2021 - Written by admin
Muqdisho(BErberatoday.com)-Ciidamo Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ayaa gudaha u galay dalka Itoobiya, sida uu sheegay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka.

Robert F. Godec, ayaa hadalkaan sheegay kadib markii Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ay weydiisay waxa ka jira ku lug lahaanshaha la sheegay in ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb galeen dagaalka Tigray.