32 Ruux Oo Shaqaale U Ahaa Shirkada Sharaabka Soo Saarta Ee Ufresh Oo Mudo Laba Bilood Xabsiga Hargeysa Ugu Xidhan Cabasho Mushahar Yaraan Iyo Khasaare Lagu Eedeeyay Inay Geysteen
July 5, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-32 Muwaadiniin oo reer Somaliland ah, ayaa muddo laba Bilood ah ku xidhan Magaalada Hargeysa, ka dib markii lagu eedeeyay inay sameeyeen Mudaharaad ay kaga cabanayeen Shirkadda soo saarta Sharaabka ee la yidhaahdo U-FRESH, taasi oo Xarun ku leh Magaalada Hargeysa.

Shaqaalaha Dibed-baxa Cabashada ah sameeyay, ayaa lagu eedeeyay inay Burburiyeen Qaar ka mid ah gaadiidka Shirkadda U-FRESH ee ay u shaqaynayeen, waxaana loo Taxaabay Xasbiga, ka dib markii ay Shirkaddu soo dacwaysey.