berberatoday.com
32 Ruux Oo Shaqaale U Ahaa Shirkada Sharaabka Soo Saarta Ee Ufresh Oo Mudo Laba Bilood Xabsiga Hargeysa Ugu Xidhan Cabasho Mushahar Yaraan Iyo Khasaare Lagu Eedeeyay Inay Geysteen
July 5, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-32 Muwaadiniin oo reer Somaliland ah, ayaa muddo laba Bilood ah ku xidhan Magaalada Hargeysa, ka dib markii lagu eedeeyay inay sameeyeen Mudaharaad ay kaga cabanayeen Shirkadda soo saarta Sharaabka ee la yidhaahdo U-FRESH, taasi oo Xarun ku leh Magaalada Hargeysa.

Shaqaalaha Dibed-baxa Cabashada ah sameeyay, ayaa lagu eedeeyay inay Burburiyeen Qaar ka mid ah gaadiidka Shirkadda U-FRESH ee ay u shaqaynayeen, waxaana loo Taxaabay Xasbiga, ka dib markii ay Shirkaddu soo dacwaysey.
Shaqaalaha oo Tiradoodu dhan tahay 32 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar, ayaa Mudaharaadkoodu salka ku hayey in aanay isku dhigmin Mushaharka ay shirkaddu siin jirtay oo Toddobaadkiiba ahaa $ 37 dollar oo keliya iyo in shaqadu ku badan tahay.
Balse, Shirkadda U-FRESH ee khasaaraha ka cabatay, ayaa ogolaatay in Shaqaalihii u xidhnaa loo soo celiyo Xorriyaddooda, ka dib markii Ehelka iyo Waalidiinta Dadka xidhani bixiyeen wixii shirkaddu ku qiimaysay khasaaraha soo gaadhay gaadiidkeeda, waxayna Shirkaddu Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo haysay kiiskan ku war-gelisay inay la laabatay Dacwaddeedii, sidaasi darteedna la siiyo daayo Shaqaalaha xidhan.
Nasiib-darro’se, waxa illaa hadda xidhan 32-ka shaqaalaha ah ee Shirkaddii ka cabatay fasaxday, arrintaasi oo aan illaa hadda la garaneyn waxa Maxkamaddu u cuskanayso, maaddaama oo ay Toddobaad walba Waaranka sii hayntooda cusboonaysiiso.
Sidaasi darteed, waxa muhiim ah in Guddoomiyaha Maxkamadda sare Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda ee Qaranka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabilsan ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ahi inay si deg-deg ah u soo faro-geliyaan isla-markaana wax laga qabto xadhiggan Sharci-darrada ah, iyadoona arrintan wax laga waydiiyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, si ay Caddaalad u helaan Muwaadiniinta muddada 2-da bilood ah sababta la’aanta ugu xidhan Hargeysa.
Shirkadda U-FRESH ayaa waxa leh Ganacsato u dhashay Dalka Shiinaha iyo xubno reer Somaliland ah.
Berberatoday.com
COMMENTS
|