Qiimaha Shidaalka Oo Kor Uga Kacay Suuqyada Somaliland, Cadadka Lacagta Ku Biirtay Halka Litir Iyo Cabashada Gaadiidleyda
July 5, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qiimaha Shidaalka ayaa kor uga kacay Suuqyada Somaliland kaasi oo maalin walba ay wax ku kordhayaan.
Qiimaha shidaalka ayaa si maalin leh isku beddelaya, iyadoo si joogto uu qiimihiisu kor ugu socdo.
Tusaale ahaan, inta aanu Qiimaha shidaalku isbeddelin ama kor u kicin waxa Halka Litir ee Patrol-ka ah lagu iibinayey 4500 shilin oo Somaliland, halka uu imika ka marayo 6500 shilin, taasi oo ka dhigan in Halkii Litirba ay ku biirtay lacag gaadhaysa 2000 shilinka Somaliland ah.
