|
codkaumada.com
Markale Ayay Somaliland Halawday Xil Isku Wareejintii Kulmiye Kadib Markii Baashe Loo Doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka
Markale ayay Somaliland halawday xil isku wareejintii kulmiye ka dib, markay Baashe loo doortay in uu noqdo Madaxwaynaha baar-la’maanka. Waxa uu ahaa ninkii kala qaybiyay golaha ee inta uu Cirro ku qabsaday go’aaminta yidhi inta kulmiye ha fadhiyaan anigaa u gudoomiye ah inta Wadani na cirro ha raacaan. Maaha nin dalku in uu wanaagsanaado raba, maaha nin dalku in uu sharci iyo kala dambayn yeesho raba, Waxa uu ahaa xildhibaan kulmiye ah iminkana waa xildhibaan kulmiye ah laakiin maaha madaxwayne gole. Wixii dalka dan u ah Kama shaqeeyo Lkn waxa uu ka shaqeeyaa wixii kulmiye dan u ah. Taasina ina wadi mayso. Hadaba waxaan ka codsanayaa saxaafada iyo suxufiyiinta ruuxiga ah ee xorta ah ee dalka iyo dadka u dam-qataa in aanay arintaa marnaba ka hadhin oo aad dalka u hiilisaan. Somaliland Waa wali. Gudoomiyaha UCID France. Ciid-wanaagsan. |
||
|
|
||