berberatoday.com
“Adeer Ha Igaga Tagin Meesha” Qiso Xunuun Badan Oo Dhexmartay Wiil Dhalinyaro Ah Iyo Ilmo Yar Oo 10 Jira Oo Ku Dhaawacmay Weerarkii Liido
January 24, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Maxamed Cabdillaahi Dhaaley Waa wiil dhalinyaro ah islamarkaana ka badbaadey weerarkii lagu qaadey Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen Saddex iyo labaatanka qof, kuna dhaawacmeen in ka badan konton qof oo halkaasi u joogey inay ku caweeyaan.

Maxamed Cabdilaahi waxaa uu sheegay inuu ka badbaadey weerarkaasi kadib markii uu helay meel uu ka baxsado oo ay u suurto gasho inuu fakado, Maxamed waxaa kale uu sheegay inuu la kulmay dhacdo naxdin badan markii uu baxsanayey ee weerarku ka socday Xeebta Liido.

Maxamed oo bartiisa Facebooga soo dhigay qiso uu aad uga naxay kadib markii uu ka badbaaday weerarkaasi waxaa uu kaga  sheekeeyay markii uu maqlay  cod gaaban oo kasoo baxaya ilmo aad u yar  islamarkaana dhaawacan oo aan baxsan Karin Kuna leh (ADEER HA I GAGA TAGIN MEESHA).

Maxamed Cabdilaahi Dhaaley oo ka sheekaynaya qisadii dhexmartay ilmaha yar iyo isaga intii uusoo badbaadinayay iyo markii ay kasoo baxsadeen goobta weerarku ka socday waxaa uu uga waramey BBCda Qisaduna sidan ayay u dhacday

 

“Waxaan arkey wiil yar oo naga dambeeya, da’diisa waxaan ku qiyaasay Toban jir oo isku dayaya inuu cararo hadana tamartii aan haysan, codkiisa oo aad u hooseeya ayaanu maqalnay oo uu leeyahay Adeer ha iga cararin, waxaanu go’aansanay iyadoo waliba ay meesha jirto xaalad adag oo ay dadku ku dhimanayaan xabaduna meel walba ka socoto, inaanu joogsano oo aanu wiilkaasi yar qabano, meeshiibaanu ka saarnay, wuu nasoo raacey.

Anagoo wali raadinayna meel aanu ka baxsano ayaa waxaanu aragnay, guryo iyo meel ay dad fadhiyeen, waxaanu suureysanay oo aanu istusnay in meeshaasi la istaagi karo, waxaanu aragnay wiilkii yaraa oo dhaawacan oo meel xabadka ka mid ah jiidhkiisu ka go’anyahay oo daloosha dhiigna uu ka socdo.

Wiilkii wuu sii yara xanuunsadey, wuxuu ku jiifey dhabteyda, anigoo markaa meel geyntiisa ku mashquulsan ayuu si qiiro leh wiilkii iila hadlay oo I soo jeediyay wuxuu igu yidhi “ADEER ADIGA IYO ADEERKAYGII KALE EE HADA DHINTEY WALIGEY IDIN MA ILOOBAYO” markuu intaasi wiilkii yidhi waan hadli kariwaayay waan qiirooday, waxaan dareemay in wiilka yari waxbadan oo argagax iyo naxdina ka qaadey dhacdadii, intaan u dhawaadey xagiisa ayaan waliba si naxariisle madaxa ugu salaaxay ayaan u dajiyey inuu fiicnaanayo.

Durba aniga oo hadalkii usii wada ayuu hadal kale iisii raaciyey oo uu yidhi ‘ADEER II BALAN QAAD INAANAD MEESHII CAAWA MARKALE TAGI DOONIN’ markay halkaasi marayso waxaan ku hadlo waan garan waayey waayo? Waxaa uu yidhi hadal miisaan culus leh oo qalbiga taabanaya isagoo ilmo aad u yar ah” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Dhaaley.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews