berberatoday.com
Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashey Mustaafurinta Orromada Iyo Dad Itoobiyaana Oo Ku Dhaawacmay Gaadhi la Dhacey
January 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Uqeybsanaha safaarada Itoobiya ee Somaliland  ee arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda  Mr. Ageze Amelo, ayaa sheegay in Itoobiya taageersan tahay howsha ay Somaliland gacanta ku hayso ee la tacaalida  tahriibeyaasha sharci darrada ah ee badankoodu yihiin Itoobiyaanka.

Waxa u sheegay in ay tahay arrin u baahan wacyigelin ballaadhan oo dadka lagaga joojinayo dhibaatada ay arrintani leedahay oo ay in badan oo ka mid ahi ay ku waayayaan naftooda .Qunsulka oo xafiiskiisa ugu warramayay Somalilandsun, waxa uu daboolka ka qaaday sida ay dawladda Addis Ababa uga walaacsan tahay  khasaaraha nafeed ee sii kordhaya ee tahriibayaasha sharci darrada ah.

Dublamaasigani waxa uu ka hadlay in ay kala shaqeynayaan masuuliyiinta Somaliland iyo hay’adaha muhaajiriinta qaabilsan daaweynta muwaadiniintii Itoobiya ee ku dhaawacmay shilkii baabuurka booliska ee lagu daad-gureynayay tahriibayaasha sharci darrada ah oo ay ku nafwaayeen laba qof, iyada oo saddex kalena ay xaaladoodu liidato.

Mr.  Amelo waxa uu sheegay in dib u celinta diirada lagu saarayo kuwa sharci darrada ah maadaama ay jiraan muwaadiniin badan oo dalka deriska ah oo ku sugan Somaliland iyaga oo ugu nool, ugana shaqeysta si sharci ah.

 

“Muwaadiniin badan oo Itoobiyaan ah ayaa ka shaqeysta oo ku nool Somaliland, haddiiba ay dhacdo in qaarkood ay saameyso sharci darradu waa in la damaanad qaadaa hantidooda,” ayuu yidhi qunsulku.

Waxa kale oo uu qunsulku daboolka ka qaaday in uu jiro dedaal wada jir ah oo socda oo lagula tacaalayo cidhibtirka shabakad xoog badan oo dadka tahriibisa oo isaga dab qaada inta u  dhaxaysa Somaliland, Itoobiya iyo Putland oo dadka ugu sii  tahriibisa khaliijka doonyo kharaab ah.

“Waxa ku waajib ah dawlad kasta in ay ka ilaaliso muwaadiniinteeda iyo dalkeeda dhaqdhaqaaqyada argagixiso, waxaanan si buuxda iskaga kaashaneynaa Somaliland in aan xaqiijino, islamarkaana tirtirno  in ay  argagixisadu ay isaga gudbayaan dal illaa dal kale,” Mr. Ageze Amelo.

Dublomaasigan  Itoobiyanka ah ,  sidoo kale  waxa uu ka hadlay in ay si buuuxda u og yihiin  in ay Addis-ababa  u tahay marin halbowle ah muwaadiniinta reer Somaliland  iyo dunida kale, sidaa awgeedna waxa uu ku warbixiyay in ay bixintii fiisayaasha  dib u soo celinayaan marka la xaliyo arrimo farsamo, waxaanu yidhi  “Waxa aanu waqtigan eegnaa oo keliya arrimaha deg-dega ah ee caafimaadka, wareysiyada deg-dega ah ee safaaradaha shisheeye ee Addis ababa iyo socdaalada rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda iyada oo ay si dhakhso ah oo buuxda u soo noqon doonto bixintii fiiseyaashu.”

Ageso Amelo oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaanu  ku mashquulsanahay bixinta fiisaha caamka ah iyada oo in ka badan 500 oo codsade si sharci ah loogu oggolaadey dal ku gal Itoobiya ah arrimo kala duwan oo ay ku jiraan ganacsi,booqashooyin shaqo oo rasmi ah, dalxiis iyo caafimaad,” ayuu yidhi qunsul Amelo.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews