berberatoday.com
“Hooyaday Soo Kiciya”: Wiil Afar Jir Ah Oo Hooyaddii Lagu Hor Toogtay
January 25, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Weerarkii qaraxyada iyo rasaasta isugu jiray ee lagu qaaday xeebta Liido ee magaaladda Muqdisho ayaa waxa ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee halkaa ku sugnaa ee ka badbaaday weerarkaa wiil afar jir ah oo hooyaddii iyo xubnokale oo qoyskooda ah lagu hor toogtay.

Siday baahiyeen shabakadaha wararku xilligii weerarkaasi dhacay waxa ku sugnaa halkaa dad badan oo shacbi ah, isla markaana waxa ka mid ahaa dadkaa, hooyo iyo sadex caruur ah oo ay dhashay. Waxa kale ooka mid ahaa lamaane nin iyo xaaskii ah iyo wiil yar oo ay dhaleen. Warbixin murugo leh ayaa sheegaysa in dadkii xalay sida badheedh ah loo laayay inta meel la safay rasaas lagu furay, dadkaasi waxaa ka mid ahaa aabo, xaaskiisa iyo wiil yar oo ay dhaleen.Wararka laga faafiyay la faafiyay waxay intaa ku dareen in sidoo kale wiil afar jir ah  hooyadii lagu hor dilay, balse uu isagu ka badbaaday. “Hooyaday soo kiciya” sidaa waxa yidhi wiilka yar oo la hadlayay  ciidamadii badbaadiyay, isla markaana hadalkaa oo uu ku celceliyay ayaa ka oohiyay qaarka mida askartii hawlgalka ka waday maqaayadaa ay Alshabaab weerartay oo ku taala xeebta Liido.

 

Dadkii ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay waxaa sidoo kale ka mid ahaa arday Jaamacadda ka qalin jabisay oo Maqaayadaa xaflad foolladayn ahayd loogu dhiganayay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW Cumar Cabdirashiid ayaa si isku mid ah uga hadlay maanta weerarkii xalay (Habeen hore) ay Al-shabaab ku qaaday baarka Liido Sea Food oo xeebta Liido, weerarradaasoo ay ku naf-waayeen 25-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 35-qof.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu dhanka nabadda iyo barwaaqo u dhaqaaqay, iyagoo ka gudbaya waayadii mugdiga ee ay soo mareen.

“Allah u naxariistee shuhadadii xalay ku naf-waayey falkaasi diinta Islaamka ka baxsan ee argagixisadu ay geysteen. Dad shacab ah oo daqiiqado ka hor gutay waajibaadka salaadda ayay ahaayeen, kuwaasoo halkaasi ku nasanayey, kaddib toddobaad dheer oo ay qaranka u adeegayeen. Meelna ugama jirto diinteena Islaamka ee saliimka ah in shacab la xasuuqo. Waxaan Alle uga baryayaa kuwa dhigay inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, kuwii ku dhaawamayna ay soo gaareennna uu caafiyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Sidoo kale, ra’iisalwasaare  Sharrma’arke ayaa baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan la dagaallanka Argagixisada, isagoo si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday baarka ku yaalla Xeebta Liido, isagoo mar kale ku celiyay in falalka argagixiso ee noocan ahi aysan hakin doonin geedi socodka nabadda iyo dib u dhiska dalka“Waxaa xaqiiqo ah inay Weerarrada qorshaysan ee Argagixisadu ka dambeeyaan ay yihiin kuwo arxan-darro ah oo cadow ku ah Qarannimada iyo Horumarka waddanka, waxaanse u sheegaynaa in aanay caqabad ku sii ahaan doonin ummadeenna aan ka guulaysan doono,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

 

 

 

Berberatoday.com/Berberatoday.Net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews