berberatoday.com
“Waxaan Maqlayay Codka Walaalkay Oo Ashahaadanaya, Waxaana Ii Xigtay Isagoo Naftu Ka Baxday”
January 25, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Muuse Maxamed oo ka mid ahaa dadkii laga badbaadiyay weerarkii Alshabaab ay ku qaaday Maqaayad ku taalla Xeebta Liido ayaa ka warbixiyay qaabka uu weerarkasia u dhacay iyo waxyaabihii ay ishiisu qabatay mudadii  uu weerarku socday.

Siday faafisay shabakadda Caasimadda.com, Muuse waxa uu sheegay in markii weerarku dhacay uu fadhiyay dabaqa labaad ee dhismaha maqaaxidaa, isla markaana wuxuu xusay in isaga iyo walaalkii ay wada fadhiyeen halkaa, balse qaraxa koowaad markuu dhacay uu walaalkii ka cararay.

Muuse waxa uu intaa ku daray in rasaas xoogani dhacday  kadibna ay dhagahiisu maqleen qayladda walaalkii oo rasaasi ku dhacday .”Anigu waxaan ahaa shaqsi argagaxsan, waxaan badbaado ka raadiyay suuli oo aan hoosta ka xidhay,  markii aan xidhayba waxaa ii xigay qaylada walaalkay. Wuu ashahaadanayay,ilbidhiqsiyo  kadibna waxaan maqlayay isagoo taahaya oo codkii dhimay, naftaa iska guraysay aakhirkiina way ka baxday.” Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; ”Ma aqaan sababta loo dilay walaalkay, waayo ma ahayn shaqsi u shaqeeya Dawlada. Waxaan xusuustay  hadalo ka soo yeedhi jiray madaxda Dawlada, kaasoo ah  Alshabaab  in aanay u dagaalamayn diin balse ay u dagaalamayaan in Somalia ay hoy uga dhigaan argagixisada caalamka.”

Muuse wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi; ”Ta aan la yaabay waxay ahayd markii ay na soo gaadheen ciidanka dawladdu, waxaan dul tegay maydka walaalkay si aan ugu qanco noloshiisa ama geeridiisa, waxaan arkay maydkii walaalkay oo dusha laga saaray maydka wiil kale oo dhalinyaro ahaa oo intay saareen ay ku dul dilleen.”

Siday faafisay shabakada Caasimadda.com, Muuse Maxamed wuxuu sheegay in haatan ay wax badani iska bedeleen fikirkuu ka qabay Alshabaab, isla markaana wuxuu ugu baaqay soomaalida inay iska dhiciyaan wax uu ugu yeedhay cadawga soomaaliya.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews