berberatoday.com
Wariye Cabdi Xaaji Goobdoon Oo Ahaa Ruugcadaa Saxaafadeed Oo Muqdisho Ku Geeriyooday
January 26, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Allaha u naxariistee waxaa saaka aroortii hore magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa rug cadaa saxaafadeed oo muddo dheer ku soo jiray warfaafinta Soomaalida.

4c930c5c8accdd6a2597868bcf63139e_L

Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa Cabdi Xaaji Goobdoon wuxuu u dhintay xanuun dhanka wadanaha ah oo ku soo booday.

Marxuumka ayaa saxaafadda ku soo biiray sannadkii 1961-kii, wuxuuna la soo shaqeeyey warbaahinno kala duwan.

Wuxuu sidoo kale ahaa wariyihii gaarka ahaa ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, xilkaas oo loo magacaabay sanadkii 1971-kii, wuxuu kaloo xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradihii warfaafinta, shaqada iyo isboortiga iyo arrimaha dibadda ee dowladdii Kacaanka.

Dowlihii ku meel gaadhka ahaa ee dalka soo maray ayuu dhowr mar ka noqday afhayeenka xukuumadda, wuxuuna hadda la taliye dhanka Saxaafadda ka ahaa xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Abuukar Xaaji Goobdoon oo marxuumka ay walaalo ahaayeen ayaa sheegay in uu ifka kaga tagay 15 carruur ah oo isugu jira toddoba wiil iyo siddeed gabdhood iyo waxay sii dhaleen.

Bahda Shabakada Wararka Berberatoday.com waxay tacsi u diraysaa dhamaan eheladii iyo umadda Soomaaliyeed ee ka geeryooday Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon in uu samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumkana Unaxariisto anooyinkiisa nimcooyinka Badana ugu Deeqo Qabrigana Uwaasiciyo Su,aashana Ufududeeyo

gobdoon

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews