berberatoday.com
Amar Cadhaysan Oo Wasiirka Warfaafintu Xabsiga Ku Dhigay Weriye Ka Tirsan SLNTV/Radio Hargeysa
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Weriyahan Ayaa Habeenkii Labaad U Hoyday Xabsiga KAdib Markii Hawl-wadeenno Uu Ka Mid Yahay Oo Warbaahinta Dawladda Ka Tirsani Cabasho Ula Tageen Wasiir Cukuse

xasan-shaah

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa dorraad xabsiga u taxaabay Weriye Xasan Ismaaciil Maxamed (Xasan-Shaah), kadib markii koox ka mida shaqaalaha Wasaarasada Warfaafintu ay cabasho ula tageen Wasiirka. Cabashadan ay Shaqaalahu ula tageen Wasiirka ayaa waxa ka dhashay khilaaf sida la sheegay, taasina ay keentay in Xabsiga loo taxaabo Weriye Xasan-Shaah oo ka mida Suxufiyiinta ka hawlgala Telefiishanka Somaliland National TV iyo Idaacada Radio Hargeysa, oo imika ku xidhan Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa. Ilaa imika wax wara kamey soo saarin Wasaarada Warfaafinta oo la xidhiidha xadhiga  Weriyahaasi, laakin waxa la sheegayaa inay Cabashadu ka dhalatey dheelitirka Mushaharaadka iyo Gunooyinka shaqaalaha oo aad u kala fog.Taas oo ilaa sanadkii hore ee dhamaadey 2015- uu buuqeedu soo noqnoqonayay. Xadhigan Wasiir Cukuse kula kacay Weriye Xasan Shaah ayaa loo arkaa mid ka dhan ah sharciga, oo awood sheego ah. Sidaa waxa Shabakada Wararka ee Hayaannews u xaqiijiyay dad goob-joog ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews