berberatoday.com
Calaamado ku Tusaya in Jidka aad Nooloshaada U Maraysaa uu yahay kii Guusha ku Gaadhsiin laaha
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Waxaa run ah in qof kasta oo dunidan ku nooli uu jecel yahay in uu guul ka gaadho noloshiisa, habeen iyo dharaarna uu ku riyoodo sida ugu fiican ee uu guushaas u soo hoyn karo. In kasta oo sida guusha loo yaqaanno ama nooca guusha ay dadku ku kala aragti iyo faham duwan yihiin.

111111111111116-150x150

Si kasta oo uu qofku ugu dadaalo in uu guul, haddana dhibtu waxa ay tahay in aanu marnaba ogeyn in jidka uu hayaa uu yahay kii uu ku gaadhi lahaa guusha uu hiigsanayo, waxa aanu jeclaan lahaa in uu ugu yaraan helo bidhaan yar oo uu ku garan karo in ugu yaraan jidka uu hayaa uu yahay kii uu guusha ku gaadhayey. Qormadan oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxa ay taabanaysaa arrimo qofka lagu arko loo malayn karo in uu jidkii guusha hayo, arrimahan oo ay xeeldheerayaal muddo baadhis iyo sahamin waday ka soo dheegteen dabeecadaha iyo hab-dhaqannada dadka dunida ee lagu majeerto guusha iyo horumar ay naftooda gaadhsiiyeen:

1. Mushaharkaagu yaanu noloshaada maamulin:

Haddii aad weli xorriyad buuxda u leedahay in shaqadaada marka aad doonto ka tegi karto, adiga oo aan qiimayn gaar ah siinayn qaddarka mushahar ee aad qaadato, xitaa haddii shaqada kale ee aad ku wareegayso aad ka qaadanayso mushahar bulshada kugu xeerani u aragto in uu aad u yar yahay, waxa aad xaqiijisay guul ay dad badan oo maanta dunida kugula nooli xaqiijin kari la’ yihiin. Waxa aad haysataa xorriyad aad ku qaadan karto go’aanka aad doonto oo aanad masiirkaaga oo dhan ku xidhayn go’aamada mamaulaha ama xaqlaha shaqada aad ka shaqayso. Adduunyadu ma’aha in aadn mushahar badan hesho, balse waa in aad xorriyad badan hesho si aad waqti ugu hesho arrimaha noloshaada farxad geliya iyo dadaallada aad guul shakhsi ah ku raadinayso.

2. Xidhiidhka aad bulshada la leedahay:

Waa sidee xidhiidhka aad la leedahay dadka kugu dhow, sida xaaskaaga ama saaxiibbadaada kugu dhow. Ma xidhiidh mushkilad iyo caqabado badan, canaan iyo cabasho ka buuxdo oo mar kasta khilaaf uun la xallinayaa?!

Mushkiladaha iyo is-fahmi waa soo gala xidhiidhka bulsho ee qofku waa caqabad ka hor istaagi karta in uu gaadho guusha uu niyadda ku hayo. Dadka kugu xeeran oo aad xidhiidh bulsho oo qodax yar la yeelataa waxa ay astaan u tahay in aad haysato waqti aad u jeedsan karto dadaalladaada khuseeya guusha nolosha aad ka rabto.

3. Qorshe ma ka leedahay bisha soo socota:

Kama hadlayno qorshayaasha faahfaahsan ee sannadka soo socda aad leedahay, laakiin waxaa muhiim ah in ugu yaraan muddo yare e kugu soo foodleh aad ka leedahay qorshe cad. Waa in aad aragti ka leedahay arrimaha waaweyn ee noloshaada shakhsiga iyo mihnaddaada shaqo khuseeya ee ay tahay in mustaqbalka dhow aad qabato, sidoo kale waa in aad leedahay halbeeg aad taqaanno oo bil kasta aakhirkeeda aad ku qiimayn karto waxa kaaga qabsoomay qorshayaashaadii bishii hore, isla markaana aad dejiso qorshaha bisha xigta aad leedahay. Haddii aanad hab-nololeedkan marin waxa ay u dhowdahay in aanad guul la gaadhin ujeedooyinka aad nolosha ka leedahay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews