berberatoday.com
Jamaal Cali Xuseen Oo Xukuumadda ku eedeeyay Masuuliyadda Sicir bararka Shacabka Naafeeyay, Sheegayna Inaan Guddiyo Loo Saaraa Xal U Heli Karin
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Boston(Berberatoday.com)-Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen oo ku sugan magaalada Boston, ee dalka Maraykanka, ayaa ka hadlay qodobbo dhowr ah oo wax laga weydiiyay oo ku saabsan khilaafka xisbiga UCID, Sicir bararka, Diwaangelinta cod bixiyayaasha iyo arrimo kale.

Jamaal oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya Sicir bararka naafeeyey Qaybaha Bulshada Somaliland, waxa uu yidhi, “Sicir-bararka Somaliland ka jiraa aad buu u balaadhan yahay, caadiyan marka Sicirbararka la eegayo, haddaynu dadka inyar u sharaxno sicir bararka oo dadku si kale duwan u yaqaanaan, Waa marka ay badeecadaha iyo khidmadahu ay qiimahoodu kor isii kacaan maalinba maalinta ka danbaysa, iyadoo Mushaharooyinka dadkuna halkoodii taagan yahay, si kale haddii loo dhigana waa markay dadku nolosha u yaabaan ee ay ku adkaato. Sicir bararka Somaliland waxa sababay marka lacagta Somaliland dhulka gashay oo halkii ugu hoosaysay maraysa, Baatroolkii oo caalamka aad uga jabay, laakiin, dhinaca Somaliland aan waxba iska beddelin, cashuurihii oo iyana la kordhiyay noloshii dadka oo aad u adkaatay tusaale ahaan, qofkii haysta $100 uu awal u goyn jiray 4 kiish oo bariis ah, maanta waxa laga yaabaa inay 2 kiish u goyso”.

Jamaal oo la waydiiyey inuu Dawladda u soo bandhigay qorshayaal wax lagaga qabanayo Mushkiladda Sicir bararka, ayaa ku jawaabay, “Marar badan waanu ka hadlnay diyaar baanu u nahay inaanu dawladda kala shaqayno sidii loo xakamayn lahaa sicir bararka, Baanka Dhexe looga shaqaysiin lahaa, laakiin, haddii aanay diyaar u ahayn dawladdu kuma faro galin karno, arinka sicir bararkuna in loo wajaho maaha sida loo wajaho arimaha kale ee siyaasadda iyo kolba guddi baa loo saarayaa, balse, wuxuu u baahanyahay in aad iyo aad loo eego waayo? wuxuu ka mid yahay aafooyinka qaran ee caalamka qabsada ee maalin walba la eego dadka noloshooda halka ay marayso”.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews