berberatoday.com
DENMARK: BARLAMAANKA OO ANSAXIYAY SHARCIGA CUSUB EE QAXOOTIGA OO HORAY WALAAC LOOGA MUUJIYAY
January 28, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Baarlamaanka dalka Denmark ayaa Salaasadii shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyey sharciga cusub ee xakameenaya xaquuqda dadka qaxootiga ah ee dalkaasi iska dhiiba.

Sharcigan ayaa waxaa horey walaac looga muujiyey qaar kamid ah qodobada xeerkan cusub oo sheegaya in dowlada Denmark ay la wareegi doonto hantida ay sitaan dadka qaxootiga ah wixii ka badan (10.000kroner) ama $1,450 dollar.

Xeerkan cusub ayaa qoraya in hantida ka badan $1,450 oo uu qofka qaxootiga ah sito ay dowlada la wareegayso si loogu maalgeliyo adeega lasiiyo qofkaasi inta ay u socoto dacwada qaxootinimada inta laga qaabilayo.

Denmark-QaxootigaHantida lala wareegayo ayaa tusaale ahaan waxaa kamid ah telefonada gacanta ee qaaliga ah iyo waliba dahabka kale ee qiimahooda ka badan yahay $1,450 dollar.

Sharcigan ayey si weyn u cambaareeyeen hay’ada xaquuqul Insaanka oo la barbar dhigay sharcigii NAZI-gii Germany uu kula wareegay hantidii dadka Yuhuuda ahaa xiligii dagaalkii 2aad ee Adduunka.

Halkaas kuma eka xakameynta xaquuqda Qaxootiga ee xeerkan cusub xambaarsan yahay, balse waxaa sidoo kale kamid ah qodobada la ansixiyey in qofkii qaxootinimo loo qaabilo uu khasab ku yahay inuu sugo muddo 3 sano ah inta loo fasaxayo inuu u dacwoon karo eheladiisa. Sharcigii hore ayaa ahaa in qofka qaxootiga ah u dacwoon karay eheladiisa 1 sano kadib marka la qaabilo.

Sharciga cusub ee Denmark ansixisay ayaa qeyb ka ah dadaalka wadankaasi ugu jiro inuu uga hortago qaxootiga badan ee Qaarada Yurub soogalay, si ay qaxootigaasi uga cararaan Denmark oo ay isaga dhiibaan dalal kale.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews