berberatoday.com
Hargeysa: Xaflad Lagu Maamuusay Arday Reer Somaliland Oo Guul Taariikhi Ah Usoo Hooyey Dugsiga Sare Ee SOS – J
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xaflad ballaadhan oo isugu jirtay duco iyo hambalyo, ayaa hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey arday magaciisu yahay Axmed Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf oo guul caalami ah u soo hooyey Dugsiga Sare ee SOS oo ku yaal Magaalada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

1111111111111

Abaalmarinta caalamiga ah ee dugsiyada sare ee adduunka lagu tartansiiyo oo ay bixiso Hay’adda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee la yidhaah Zayed Future Energy Prize ee sannadkan 2016, waxa  dhinaca qaaradda Afrika kaalinta koowaad ka galay Dugsiga Sare ee SOS, iyadoo abaalmarintaasna lagu dhawaaqay 18 January 2016, waxaanna xafladaas goob-joog ka ahaa madaxda toddoba waddan, Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Mr. Ban Ki-moon iyo Masuuliyiiinta sare ee dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo Dugsiga SOS la siiyey lacag dhan $100 kun oo doollar ($100,000).

Xafladda lagu maamuusayey ardayga ka socday dugsigaas ee la yidhaah Axmed Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf oo da’diisu tahay 14 sanno jir ah, waxa ka qaybgalay qaar ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, madax-dhaqameed, aqoonyahan kala duwan, haween, dad ajaanib ah oo lagu martiqaaday iyo marti-sharaf kale, taasoo lagu qabtay hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa habeenkii Salaasada.

Waxa halkaas ka hadlay Sheekh Maxamed Aadan oo si weyn ugu duceeyey wiilka ardayga ah ee guusha caalamiga ah u soo guddoomay Dugsiga Sare ee SOS, waxaannu Ilaahay uga baryey inuu ifka iyo aakhiraba mustaqbal fiican siiyo.

“Ummaduhu waxay isku dhaafaan fikirka ay abuuraan ee ay ka midho-dhaliyaan. Waxa ummaduhu isku dhaafaan dhallinyarada iyo jiilka soo kacaya ee mustaqbalka, markaa haddii jiilka iyo dhallinyarada soo kacaya noqdaan qaar fikiraya oo Ilaahayna ka cabsada, aqoon yeesha oo ummadda caalamku halka ay marayso maanta, tignoolojiga iyo farsamaday ay adeegsanayso ay door weyn ka ciyaaraan.

Akhlaaqda iyo dhaqankooduna wanaagsanaado, waxa markaa ummadaas u rajaynaynaa inay noqdaan ummad wanaagsan,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Mr. Xasan Waraabe-cadde oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland, waxaannu yidhi; “Wiilka aadka u da’da yar ee 14-ka sanno jira markii u horraysay ee aan arkay warkiisa la xidhiidha inuu tartan caalami ah guul ka soo hooyey runtii waanan ooyin, waxaanan aad ugu farxay wiilkaas aadka u da’da yar ee magaca weyn u soo hooyey Somaliland iyo guud ahaan dadka ku hadla Afsoomaaliga oo dhan. Waxa aan aad u jecelahay in xukuumadda Somaliland ama masuuliyiinteennu ay xil iska saaraan dhallinyarada soo kacaysa, waanan u ducaynayaa Amed Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf.”

Xubno kala duwan oo ka socday culimo-awdiinka Somaliland, haween iyo waxgaradka dalka  oo ay weheliyeen xubno ajaanib xafladaas lagu martiqaaday ah oo iyaguna halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa ammaan xoogan iyo duco isugu daray wiilka yar ee la yidhaah Axmed Cabdiraxmaan Axmed oo door ku lahaa guusha Dugsiga Sare ee SOS ka soo hooyey tartanka caalamiga ah ee lagu qabtay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasoo sidoo kale ugu baaqay xukuumadda iyo dawladda Somaliland in la dhiirigeliyo ardayda la midka ah Axmed-yare.

Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland oo hadal ka jeediyey xafladdaas, ayaa sheegay in guusha Axmed Cabdiraxmaan Axmed soo hooyey ay tahay mid fariin u ah dhallinyarada ku hamiyeya inay ka tahriibaan dalkooda hooyo.

Ugu dambayntii, wiilka yar ee la yidhaah Axmed Cabdiraxmaan Axmed  Shunuuf oo hadal kooban ka jeediyey goobta, ayaa u mahadnaqay qaybaha kala duwan ee ka qaybgalay xafladda loogu sameeyey Hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa.

Dugsiga Sare ee SOS oo uu ka socday Ardayga Axmed Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf, waxa uu ka guulaystay laba dugsi oo la kala yidhaah Mfantsipim oo ku yaal dalka Ghanna ee galbeedka qaaradda Afrika iyo dugsiga Abaarso School of Science and Technology oo isaguna ku yaal Somaliland, kuwaasoo ahaa saddexda dugsi ee isugu hadhay wareega u dambeeyey ee tartanka caalamiga ah.

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews