berberatoday.com
Khabiir Dhaqaalaha Ah Oo Naqdiyay Talaabada Ay Xukuumadu Dollarka Ku Jebisay –
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay qiimaha sarifka dollarka ee hoos u dhacay, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu ku deg degtay inay qiimaha sarifka hoos u rido, waxaanu sheegay in qiimaha sarifka suuqa laga xukumo ee aanay Xukuumaddu xukumin, isaga oo uu tilmaamay in talabadan ay qaaday ay ka sii dartay oo noloshii dadku cidhidhi gashay. Xasan Codyare ayaa khabiir ku ah arrimaha dhaqaalaha iyo dejinta sicir bararka.

codyare

Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa hadalkiisi ku bilaabay sidan“Erayga ay Dawladdu leedahay ee ah dollarka ayaan jabinayaa anigu ma raacsani, waayo dollarka wax jabiya oo xukuma suuqa, dollarkana shisheeya ayaa leh, waxa shisheeye leeyahayna suuqa ayaa xukumi kara, Xukuumaddii  kooto ayey abuurtay, kootaduna waxyaabaha ina wiiqay ayey ka mid tahay, oo dadna waa la korinayaa, dadna waa la dilayaa, Siyaasada ay Xukuumaddu sarifka ku jabisay, ee culayska noqotay, ee Sicir bararkii sii xoogaystay, ee Badeecadii cirka isku shareertay, waa siyaasad xumada Xukuumadda, Ganacstaduna waxa ay dambi ku leeyihiin haddii ay shir la galeen Xukuumadda inay iyana dhankoodii ka soo baxaan oo ay wax jabiyaan ayey ahayd laakiin maanta salado madhan ayaa suuqyada lagala soo noqonayaa, oo badeecadii wey kacsan tahay, noloshii dadku wey adkaatay, oo markii hore ayey dhaantay, arintuna maanta wey culustahay, waana ka daroo dibi dhal, haddii ay Xukuumaddu ugu talagashay inay dadka layso waa halkeeda, laakiin haddii ay doonayso inuu dadku jiro waxan wax ha ka badasho, waxaan leeyahay Xukuumaday lexe-jeclada  aad u dhaarateen ee dalka iyo dadkaba yeesha”

Xasan Xuseen ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Xaaladaha adag ee ay maanta umaddu ku jirto, maaha wakhtigii la sii cuna qabataynayey, intii yarayd ee bilashu dibadaha ugu imanayeena waataas la sii cuna qabateeyey, kuwii markii horeba dhulka jiifay waa kuwaas iyana ka mid noqday, markaas waxa weeyey dadkii ma kala hadhin ee waa la is raaciyey, dhib baana taagan, ee Xukuumaday, adiga dalka iyo dalka u xukuumada ee dhibkan wax ka qabo”.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews