berberatoday.com
Kulan Shalay Dhexmaray Xukuumadda Iyo Is-kaashatooyinka Hargeysa U Shida Korontada Oo Ku Dhammaaday Is-afgarad Naruuro U Ah Shacbiga W
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Wasiir-ku-xigeenka  Oo Sheegay In Shir Uu Shirkadahan La Qaatay Kadib Laysku Afgartay In Hoos Loo Dhigo Qiimaha Korontada+Baaq Uu Ganacsatada U Diray

shirakada laydhka

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir-ku-xigeenka wasaarada ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa maalintii shalay Kulan la yeeshay Shirkadaha Korantada  u shida caasimadda Hargeysa, gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay, waxana uu usoo bandhigay baahida loo qabo in hoos loo dhigo qiimaha ay shirkadahani ka qaada shacabka macaamiishooda ah oo haatan aad u sarreeya, iyadoo qiimaha shidaalku uu si weyn hoos ugu dhacay. Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen Shirkadaha Korontada ee GENERAL (Ex-Kaah), ALMIS [AEEL], TELESOM IYO GAAFANE, ayey shirkadahani dhinacooda soo dhaweeyeen soo jeedinta wasiir-ku-xigeenka, waxana ay ballan qaadeen inay maalinta Sabtida ah ee soo socota shir iskugu iman doonaan, isla-markaana ka arrintsan doonaan, halkaasna kasoo saari doonaan qiimo naasil ah oo ay dhammaantood ka midaysan yihiin.  Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga Amb. Kaysar ayaa Shirkadaha Korontada ugu mahadnaqay inay aqbaleen in Sixirka Korontada ay hoos u dhigaan, waxaana uu sheegay in xukuumada Somaliland ay diirada saarayso sidii loo jebin lahaa ascaarta kala duwan, isagoo ganacsatada kala duwan ee dalkana  ugu baaqay inay jebiyaan qiimaha Ascaarta, waxaana uu sheegay in Xukuumada Somaliland ay indho gaar ah ku eegi doonto Ganacsatada ka baaqsata inay Jabiyaan Qiimaha ascaarta, kala duwan maadaama ay Xukuumadu jabisay qiimihii Doolarka.  Kulankan Wasiir ku xigeenka waxaa ku weheliyay ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Mudane Aadan Dhagax iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxyeedyada wasaarada ganacsiga, waxana tallaabadani haddii ay hirgasho ay naruuro weyn u tahay shacab tiro badan oo ay dhibaato ku hayaan ganacsato dhiig-miirato ah oo ujeeddadoodu tahay inay faa’iido helaan mar walba.
https://www.youtube.com/watch?v=kKhyCk81gmI
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews