berberatoday.com
Musuq-Maasuqa Suulsan Ee Maareeyaha Mad-Bacada Qaranka JSL Iyo Xaalada Qalafsan Ee Shaqaalahiisa
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Waxa Mad-madow ku jiraa Agab Mad-Bacada Loo Keenay Oo Uu Maareeye Caarey Hore Usoo Bandhigay

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madbacada qaranka oo adeegyo muhiim u ah dawlada lagu sameeyo, ayaa haatan maraysa halkii ugu xumayd, iyadoo ay shaqaalaha madbacadaasina ay la tacaalayaan xaalad qalafsan oo dhanka shaqada ah.

Sida idiinka muuqata sawirka ninka la yidhaa Jiidho, (midka calaamada cas lagu suntay), waa ninka ku qornaa agabkii uu maareeye caaray hore ugu soo bandhigay saxaafadda, waxaana sida xogtani la helay uu ninkani yahay ka iska lehaa agabkaasi, oo aanay Mad-bacadu haba yaraatee waxba ku lahayn, isla markaana agabkaasi uu ahaa mid ninkaasi lagu magacaabo Jiidho uu ku qornaa mulkiyada iyo maamuskii ay badeecadaasi kusoo degtay, sidaana uu sawir kula galay maareeyuhu markii uu agabkan tusaayay saxaafadda. Waxa dhacday in agabkaasi, inyar mooyaane intii ugu badnayd ninkan xaga dambe looga raray.madbacada

Sida xogahan aanu helnay sheegaana waxa jirta in haatanba ay madbacadu aanay haysan riimanan, oo aanay oolin wax riiman ah, agabkaasi uu maareeye Caarey sheegay inuu lasoo degayna ay ahaayeen, kuwo loogu talogalay inay isticmaalaan ugu yaraan lix bilood, oo haatana aad arkayso in labadii bilood ee u dambeeyayba madbacada loo soo amaahanayay riiman waraaqo ah.

Masuuliyad darada maareeye Caarey kula kacay shaqadii uu qaranka u hayay ayaa waxa ay ku tusaysaa, sida aanay madbacadu u haysan mishiino daabacadeed oo casriya, halka Dawan oo ah wargeys afka dawlada ku hadla, oo ku dhexyaala isla madbacada qaranka uu guddoomiyaheedu usoo dejiyay madbacad casri ah oo haatanba shaqaysa.

Sida aad ku arkaysaan muuqaalka sawirkani waa gaadhiga uu gaarka u leeyahay maareeyaha madbacada, oo sida aad ka arkaysaan yaalla deyrka dambe ama gidaarka dambe ee xarunta madbacada ama gidaarka dhismaha moofada furinka, oo uu maareeye Caarey ka samaystay, sidii aanu horeba idiinku soo bandhignay, isla markaasina aanu ka waantoobin waxyaabihii lagu dhaliilay, waana mid isaga u gaar ah oo uu u samaystay danahiisa gaarka inuu ku fushado, isla markaana u adeegsado waxyaabaha hadba uu musuqmaasuqayo.Caarey

Mar aanu booqanay madbacada qaranka, ayaanu goobta kula kulanay shaqaale shaqadoodii ku jira, oo markaasi samaynaayay juwanada dawlada io agabka kala duwan ee dawladu ku hawlgasho.

Mid ka mid ah dadka ka shaqeeynayay goobta oo ka cudur-daartay in magaciisa la xuso ayaa sheegay in shaqada ay qabtaan tahay mid muhiim u ah dawlada, iyadoo shaqaalahaasina yihiin mishiinka soo saara dhamaan agabkaasi,

“halkani waa goobta ay hawshu ka socoto, oo waxaanu samaynaa dhamaan buugaagta ay dawladu ku shaqayso, halkan waxa soo geli kara shaqaalaha oo keliya, buugaagtani waa ay xisaab yihiin, oo buug kasta waxa uu leeyahay Serial Number, cid wax ka bedeli karta ma jirto, waana ay noowada tirsan yihiin”. Sidaa ayuu yidhi ninkan oo ka cudur daartay inuu magaciisa noo sheego.

“shaqada aanu qabano, waa mid aad u adag jawi ahaan, waayo waxan aanu ku dhex shaqaynaa, waa Kiimiko, naftayadana wax yeelaynaysa, tusaale ahaan qofka halkan ka shaqeeya waxa uu u baahan yahay, daryeel markasta oo qofka shaqaalaha ahi shaqada dhameeyo ama uu ku dhex jiro, waxa uu u baahan yahay caano uu cabo, waayo qalabkani waa electronic ama walxo aan caafimaadka qofka u fiicnayn” ayuu yidhi waxaanu ku daray intaas in mushahar kordhin uu madaxweyne siilaanyo kal hore soo saaray in loo kordhiyo shaqaalaha ay shaqaalahani ka madhan yihiin labada jeer ee madaxweynuhu digreetada kusoo saaray “haba yaraatee ma jirto wax mushaharka lanoo kordhiyay, laba jeer oo madaxweynuhu noo kordhiyay sida uu dikreetada kusoo saaray ayaanaan helin, waxaanu ku shaqaynaa musharahkayagii, waxaana intaasi noo sii dheer, wax taakulayn ah oo shaqaalaha wax lasoo dersaan aanu helin sida qof shaqaale ah oo bishii u dambeysay Dhintay, mushaharkiiba laga joojiyay, halka qaar inuu uu joogay maareeye Caarey aan kaba soo xaadirin shaqada, oo hadana mushaharkooda qaata, halka kuwa dhintay iyo kuwo la eryayna uu Maareeyuhu ku qaato lacagahooga nidaamka musuq maasuqa ah ee loogu yeedho Caaglaha”

wakhti ay guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranku ay ugu yimaadeen maareeye Caarey madbacada, ayaa waxay ka dayriyeen xaalada iyo goobta ay shaqaalu ku sugnaayeen, taasina ay keentay in mudane Caarey looga yeedho golaha.

Si kastaba, Maareeyaha madbacada qaranka Mr. Caarey ayaa ka mid masuuliyiinta naadirka ah ee muddadii shanta ahayd ku dhamaystay xilkii ay kula kowsadeen xukuumadda Siilaanyo, isla markaana waxa maareeyaha madbacada qaranku aanu noqon mid ay saamayn ku yeelato isku shaandhayn badan oo madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay xukuumaddiisa uu gadh wadeenka ka yahay.

Laso Warbixinta Dambe Iyo Waxa Kasoo Kordha Mad-bacadan Meherada U Noqotay Maareeyeheedii

warbixintan waxaanu ka helnay qaar ka tirsan shaqaalaha M.Q.S oo ka cudurdaartay in magacyadooda lagu xuso halkan

 

 

 

 

Xigasho Hubaalmadia

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews