berberatoday.com
Ururka Middowga Marreegaha Somaliland Oo Cambaarreeyay Xadhiga Wariye Xasan Shaah
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Saxaafadda Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale), ayaa cambaareeyey Xadhiga uu Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu kula kacay Weriye Xasan Ismaaciil Maxamed (Xasan-Shaah) oo shalay Xabsiga u taxaabey, isla markaana ugu baaqay inuu si deg-dega xorriyadiisi ugu soo celiyo.

3076e65b576d5d67db28a41665c4d024_L

Ururka Midowga Mareegaha Saxaafadda Somaliland ee SOMA waxa uu walaac ka muujiyay xadhiga Weriyayaasha Somaliland oo marba marka ka sii danbeysa sii badanaya Sidaa waxa uu Mustafe-Janaale ku sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo uu maanta soo saaray,waxaanu u dhignaa sidan:

 

““Aniga oo ah Guddoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Saxaafadda Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) ayaa waxaan cambaareynayaa xadhiga sharci-darada ah ee Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed DAAHIR (Cukuse) kula kacday Weriye Xasan Ismaaciil Maxamed (Xasan-Shaah) oo shalay oo ay taariikhdu ahayd 26/1/2016 uu xabsiga u taxaabay.Xadhigan Suxufigan ayaa ah sharci-daro maadama aan loo marin sifo sharciya, taasina waxay ka hor imanaysa xorriyatul-qawlkii, waxaanay u muuqataa inay xukuumadda Madxweyne SIILAANYO caaddeysatay xadhiga, cabudhinta, cago-jugleynta ay ku hayso suxufiyiinta hawlmaalmeedkooda gudanaya, waanan ka xumahay in suxufi aan danbi lagu heynin lagu xidho qaab aan sharciga waafaqsanayn”.

 

Xadhiga Weriye Xasan-Shaah ayaa ka danbeeyey, kadib markii koox ka mida shaqaalaha Wasaarasada Warfaafintu ay cabasho ula tageen Wasiirka, taasina ay keentay in Xabsiga loo taxaabo Weriye Xasan-Shaah oo ka mida Suxufiyiinta ka hawlaga Telefiishanka Somaliland National TV iyo Idaacada Radio Hargeysa, oo imika ku xidhan Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

 

Sidaa daradeed waxaan ugu baaqaya Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), inuu si degdega xorriyadoodii ugu soo celiso Suxufi  Xasan-Shaah oo sifo sharci-daro ah xabsiga loogu taxaabay,  Xadhiga suxufiyiinta ee soo noqnoqday wuxuu saameyn xun ku leeyahay madax-banaanida war-baahinta. Dawladda Somaliland waa inay joojiso xadhiga iyo cabsi gelinta ay ku hayso suxufiyiinta, isla markaana waxa ku waajib ah inay ixtiraamto Dastuurka Somaliland.

 

Ururka SOLJA ayaan ilaa imika wax war ah ka soo saarin xadhiga Weriye Xasan Shaah iyo kuwo ka  horeeyey-ba, oo uu ka mid yahay Cabdi-maalik Coldoon oo Burco lagu xidhay, Hoggaanka Wakhtigan gacanta ku haya Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa inta baddan saxaafaddu u aragtaa mid dhinaca dawlada u jan-jeedha oo markii hore-ba ku yimi gacan bidixeyn.

 

Xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo ayaa waxay caan ku noqotay kala qeybinta iyo burburinta Saxaafadda madaxa-banaan iyo ta dawlada-ba, iyada oo aanay jirin wax u kordhay awood ahaan iyo aqoon ahaan-ba Saxaafadda Somalliland wax ka dhacay Mooyaane muddada ay xilka haysey.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews