berberatoday.com
Bulshada Somaliland oo u Haraadan Hoggaaminta Musharrax Jamaal Cali Xuseen iyo Guulaha aqoonsi ee uu Gaadhsiin karo Qaranka…
January 29, 2016 - Written by Berbera Today

Bulshada reer Somaliland waxa ay ku tashatay inay hoggaaminta mustaqbalka taladeeda u dhibtaan aqoonyahan ka caafimaad qaba cudurada intaa badan naafeeyey madaxdii intaa soo martay, kaasoo leh araagtii caafimaad qabta oo saldhigeedu yahay cadaalad iyo horumar buuxo. Sidoo kalena waxa loo baahan yahay aqoonyahan xidhiidh wanaagsan la leh, aduun waynaha…Bulshada reer Somaliland waxa ay ku tashatay inay hoggaaminta mustaqbalka taladeeda u dhibtaan aqoonyahan ka caafimaad qaba cudurada intaa badan naafeeyey madaxdii intaa soo martay, kaasoo leh araagtii caafimaad qabta oo saldhigeedu yahay cadaalad iyo horumar buuxo. Sidoo kalena waxa loo baahan yahay aqoonyahan xidhiidh wanaagsan la leh, aduun waynaha iyo beesha caalamka kaasoo ka keeni kara aqoonsiga iyo himiladaynu higsanayno.

Haddaba, akhristee Musharraxa ay intaasi imika inooga muuqato waa aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ah Musharraxa ugu da’da yar ugana aqoonta badan Saddexda Musharrax ee uu taagan inay hantaan tallada dalku, waa aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo runtii ka duwan kuwa kale ee iyana orodka iyo hayaanka ugu jira inay mar uun ku fadhistan kursiga dalka ugu sarreeya. Jamaal Cali xuseen waa Shamaca keliye ee ifaaya ee ka dhex shidan qaaradda Africa-da Barri, waxana xaqiiqa ma doon ah hadii uu hoggaanka uu qabto dalka yar ee Somaliland ee aan aqoonsiga ka haysan aduunka intiisa kale iyo africa-ba inuu keeni karo (Ilahay-baa hayee) aqoonsiga iyo xuquuqda qaranimo ee inaga maqan. Taasoo uu baahan dedaal iyo daacadnimo ay ku lamaan tahay aqoon iyo karti, sidoo kale-na, loo baahan yahay inay hoggaanka dalka uu qabaato cid saaxiibo ku leh Dawladaha waaweyn ee aduunka.

Waxa maragma doon ah, hadii Musharrax Jamaal Cali Xuseen uu ku guuleysto hankiisa dalka, inay somaliland usoo hooyan doonto %80 Himilooyinka aynu higsanayno. Kuwaasoo loo baahan yahay, kuna xidhan tahay in cid aqoonteeda lehii Masiirka dalka gacanta uu galo. Jamaal Cali Xuseen waa shaqsi guulo waaweyn oo ay gaadhi kari waayeen usoo hooyey Dawlado aqoonsi haysta, isla markaana kamid ah kuwa ugu miisaanka culus ee la tilmaamo, kuwaasoo uu gaadhsiiyey heer aanay waqti badan gaadhi kareyn.

Tusaale ahaan, maadaama oo uu Jamaal Cali Xuseen yahay aqoonyahan kasoo baxay Jaamacadda aduunka ugu qaalisan ee ku taala dalka mareykanka, soona bartay maadada dhaqaalaha, waxa uu suuro gashay inuu shaqooyin heer caalami ah kasoo qabtay dawlado faro badan oo ay kamid tahay dawladda (TANSAANIYA) kaasoo uu madaxa uu sareeya kasoo noqday Baanka ugu weyn ee (City Bank), xilligaasoo uu hoos-u-dhac weyni ku yimii dhaqaalaha Banka iyo dalkaasba, waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku guuleystay inuu kor usoo qaado dhaqaalaha Banka iyo ka dalka Tansaaniya.

Jamaal Cali Xuseen, waa shaqsi taariikhda africa kaga jira baal dahab ah, kaasoo in badan waxqabadkiisa ay ka faalloodeen warbaahinta dunida, kuwaasoo ka sheekeyey faa’iidooyinka iyo guulaha uu ka gaadhay hawl kasta oo uu gacanta uu qaado. Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka Ucid, waa halgamaa waqti badan geliyey arrimaha aqoonsi raadinta, waa aas-aasaha ururadda caalamiga ah ee intaa badan ka shaqeeya dhinaca aqoonsi raadinta. Musharrax Jamaal intii uu qurbaha ku noola kumuu ekeeyn shaqadda uu hayey iyo gurigiisa, haseyeeshee, waxa uu waqti badan geliyey Somaliland iyo sidii ay u heli lahayd xuquuqda ka maqan ee dhinacyada badan La soco qayba badan oo xiiso leh.

Qaasim Abokor Cali

Qaasim4422@gmail.com

Hargeysa.Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews