berberatoday.com
Maxamed Kaahin Oo Waji-gabax Kala Kulmay Beesha Bariga Burco Iyo Fadeexad Cusub Oo Loo Xambaariyey
January 29, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga tallada haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa xarunta gobolka Togdheer ayaa waji-gabax kala kulmay Beesha Bariga Burco oo uu doonayey inuu taageeradooda kusii nageeyo Xisbiga Kulmiye.

Muj. Kaahin ayaa isku dayey inuu Beesha Bariga Burco ka dhaadhiciyo hindise qabyaaladeed, isla markaana ku beer laxawsado in Xisbiga Kulmiye ay laba beelood wada leeyihiin, hase-yeeshee waxa qorshihiisaas ka horyimi dhalinyarada gobolka iyo waxgaraadka oo wada jir kaga soo horjeestay, kuwaasoo aaminsan inuu xisbiga Kulmiye u gacan galay shaqsi aan ku haboonayn inuu hoggaamiyo Qaranka Somaliland, iyagoo Musharraxa Xisbiga Kulmiye ku tilmaamay inuu yahay Askari calooshii u shaqeyste ah oo aan lahayn aqoon hoggaamineed, sidoo kale waxa ay sheegen inuu Gudoomiye Muuse Biixi yahay nin cadaawad u haya Beeshan uu codka u weydiinayo.

Geesta kale, kulamada Maxamed Kaahin la yeeshay Beesha Bariga Burco ayaa kusoo idlaaday natiijo la’aan iyo waji-gabax ku dhacay Gudoomiye ku-xigeenka oo si cad ay uga hor yimaadeen beeshiisu.

Si kastaba ha ahaatee, Safarka Maxamed Kaahin ayaa ka dhashay kadib markii ay Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ka naxeen taageero baaxadleh oo hoggaanka xisbiga Waddani kala kulmeen Beesha Bariga Burco.

 

 

Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews