berberatoday.com
Somaliland Oo Lagu Canaanatey Tacadiyada Ay La Kulmaan Dadka Xanuunnada Dhimirka(Maskaxda) Qaba Ee Lagu Hayo Cilaajyada
January 29, 2016 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Warbixin ay Shalay soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayay ku sheegtay in Dowladda Somalia iyo Ururka Al-shabaab ay khatar badan geliyeen dadka rayidka ah, khatartaas oo ka timid dagaallada iyo xad-gudubyada kale ee dalka ka dhacay sannadkii hore ee 2015-kii.

HRWHRW ayaa warbixinteeda ku xustay inay dhaceen iska-horimaadyo salka ku haya sameynta maamul-goboleedyada federaalka ah ee ay ku howlan tahay dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaysa Hawl-wadaagayaasha Caalamka. Dadweynaha Barakacay ayaa ah kuwo weli u nugul Xad-gudubyo Dhinaca Galmada ah iyo in si khasab loo raro. Waxaana Sidoo kale ay warbixinta ku Xustay in kooxda Al-shabaab ay si Sharci-darro ah oo aan kala sooc lahayn Weerarro ugu bar-tilmaameedsaday dadka rayidka ah.

“Saddex sano kaddib, markii ay xukunka qabatay, dowladda Soomaaliya ayaan weli Awoodin inay sugto amniga Asaasiga ah ee dadweynaha ku nool deegaannada ay ka taliso,” ayay tidhi Leslie Lefkow oo ah ku xigeenka madaxa Afrika ee hay’adda HRW. Iyadoo intaa ku daray. “Dhibaatooyinkaas waxaa uga sii daray weerarrada aan kala sooca lahayn ee Al-shabaab ay fuliso iyo fara-galinta ay ku hayso gar-gaarka bani’aadannimo.”

Warbixinta Hay’adda HRW oo ka koobanayd 659 bog, ayay hay’addu ku sheegtay inay dib ugu eegaysay falalka Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay in ka badan 90 Dal. Kenneth Roth oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Human Rights Watch ayaa Warbixintan ku xusay in weerarrada argagixisadu ay gaadheen meelo ka baxsan bariga dhexe, iyo qulqulka qaxootiga ee lagu wajahay Dhibaataynta iyo Carqaladaynta ay ku Hoggaamisay dowlado badan in ay xakameeyaan xuquuqaha; iyagoo si khaldan isugu dayayay ilaalinta amnigooda.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu Xusay in Al-shabaab oo weli maamusha qaybo ka mid ah Soomaaliya ay weerartay dad rayid ah iyo goobahooda ganacsi, waxayna fuliyeen weerarro badan oo shakhsiyaad lagu beegsaday iyo dilal.

Dhinacyada dagaallamaya oo ay ku jiraan ciidamada dowladda, maleeshiyaadka taabacsan, Mucaaradka hubeysan, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Ciidammo kale oo shisheeye ah ayaa dhamaantood ku xadgudbay shuruucda dagaalka, taasoo dhalisay waxyeello soo gaartay dad badan oo rayid ah.

“Xiisado ka dhashay maamul-goboleed cusub u sameynta badhtamaha Soomaaliya ayaa keenay iska-horimaadyo, kuwaasoo dhaliyay tacaddiyo ka dhan ah rayidka. Bishii February  2015-ka, iska-horimaad degmada Guriceel ku dhex-maray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Ahlusunna Waljamaaca oo ah Maleeshiyo Suufiyiin ah, ayaa sababay dhimasho dad shacab ah iyo barakac ballaadhan,” ayaa warbixinta HRW lagu yidhi.

Waxaa kaloo warbixinta lagu xusay in daba-yaaqadii Sannadkii 2015-kii, iska-horimaadyo soo noq-noqday oo Ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka cusub ee Galmudug ku dhex-maray Magaalada lagu Muransan yahay ee Gaalkacyo, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan sagaal qof oo rayid ah, tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen. Siday sheegtay Qaramada Midoobay, dagaalkaas ayaa waxaa sidoo kale ku barakacay dad ka badan 90,000 oo qof.

Hay’adda HRW ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay ku guul-dareysatay difaacidda boqolaalka kun ee ah barakacayaasha ku nool caasimadda, kuwaasoo la kulma Tacaddiyo ba’an oo ay ka mid yihiin Xad-gudubyo dhanka Galmada ah. Sidoo kalena, dowladda FS ayaan raacin Siyaasaddeeda Cusub ee ku aaddan Barakacayaasha, Waxayna si khasab ah, mararka Qaarkood rabshad ku dheehan tahay ay ku Rartay Barakacayaal ku noolaa xeryo aan Rasmi ahayn.

“Intii lagu jiray siddeedii bilood ee ugu horreeyay sanadkii 2015-kii, Barakacayaal ka badan 116,000 oo qof ayaa si khasab ah luga raray, sida ay sheegtay QM. Bishii March, Ciidanka dowladda ayaa howlgal ay Muqdisho ka sameeyeen xoog ku raray dad ka badan 21,000 oo qof, iyagoo garaacay qaar ka mid ah dadkaas, kana burburiyay cooshash ka sameysan, isla markaana dadkaas dhigay gargaar la’aan iyo weliba biyo iyo cunno la’aan,” ayaa mar kale lagu yidhi Warbixinta HRW.

Dhanka kale, Somaliland ayay hay’adda HRW ku eedaysay in mararka qaarkood ay xadhig aan loo meel-dayin kula kacay Wariyeyaal iyo xubno Xukuumadda dhaliisan.

War-bixintu waxay sheegtay in Somailand ku guul-darreysatay inuu si wanaagsan u difaaco dadka xanuunka Dhimirka qaba ee sida khasabka ah loogu hayo Xarumo gaar loo leeyahay, Dadkaasoo oo War-bixintu xustay in lagu xidh-xidho silsilado, mararka qaarna la garaaco.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews