berberatoday.com
Yeedhmada Waddani Iyo Diidmada Siyaasiyiinta Isbahaysiga Isbadaldoonka Kulmiye
January 29, 2016 - Written by Berbera Today

Warar is khilaafsan oo Kasoo baxaya ka mid noqoshada Xisbiga Waddani ee Isbahaysiga+ Waddani oo sheegay in Wadahadal u socdo iyo Isbahaysiga oo ganafka ku Dhuftay

“Isbahaysiga hadal waa noo dhaxeeyay hadana gabo-gabo ayuu ku dhawyahay”Afhayeenka Waddani Xildhibaan Buubaa

          “Ma jirto wadahadal rasmiya iyo ku aan rasmi aheyn oo lala Furay  Waddani” Afhayeen Isbahaysiga Kulmiye Xuseen Axmed Caydiid

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Afhayeen xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka sheegaya in Isbahaysiga Kulmiye Wadahadal u socdo si ay ugu soo biiraan Xisbiga Waddani.

Xildhibaanku waxaa cadeeyay in wada hadal u socday xisbiga Waddani iyo Siyaasiyiinta isbahaysiga Kulmiye balse aanu ka hordhaceyn go’aamada laga soo saaro kulamadaasi oo ay soo bandhigi doonaan marka la gaadho wakhti shirarku dhamaadaan.

“Isbahaysiga hadal waa noo dhaxeeyay hadana gabo-gabo ayuu ku dhawyahay, ma jecli inaan ka hordhaco laakiin dhawaan waxaanu jecelnahay in go’aamadu marka ay soo baxaan si mugleh ugu shaacino oo usoo bandhigno”

Geesta kale,Wasiirkii hore ee cadaalada Xuseen Axmed Caydiid oo warbaahinta la hadlay ayaa meesha ka saaray inay ku biirayaan Xisbiga Waddani, Islamarkaana aanay jirin ilaa iyo imika cid ay la kulmeen ama wada hadal la sameeyeen siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye.

Xuseen Axmed Caydiid waxaa uu ku dooday in siyaasiyiinta isbahaysigu wadahadal la yeelan karaan Xisbiyada qaranka oo aanay ku koobnayn xisbiga Kulmiye isagoo rajo ka muujiyay inay kusoo nagaadaan Xisbiga Tallada haya ee Kulmiye hadii markale lagu celiyo shirkii lagu doorta musharaxiinta Xisbigaas lagu doortay.

Xuseen Axmed Caydiid oo arrimahan waxaa uu yidhi ““Shalay iyo maanta oo khamiisa waxaa ku  qornaa in raga qaar kamida isbahaysigu ay ku biirayaan Ururka Waddani, mana jirto hadaad waddanka iyo Hargeysa meel walba kasoo martaan, waxaan idin leeyahay wax dhow oo go’aankeedu dhamaaday ama wadahadalkeedu dhanyahay inaanay jirin”

Xuseen Axmed Caydiid oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu intaasi ku ladhay  “Waxaan idiin sheegayaa inaanay jirin wali cid lala furay wadahadal rasmiya iyo ku aan rasmi ahayn wakhtigan, laakiin ma reebana oo mamnuuc maaha inaanu Waddani la hadalno, mamnuuc nagama aha inaanu UCID la hadalno, mamnuuc nagama aha Kulmiye haduu isdhiibayo oo shirkii dib u qabanayo si aanu u dhisano waxaanu wada leenanahay”

Xuseen waxaa uu sheegay inaanu jirin khilaaf soo kala dhexgalay siyaasiyiinta isbahaysiga Kulmiye waxaanu yidhi “Ma jiro khilaaf soo kala dhexgalay kooxdii isbadal doonka KULMIYE,mana jirto meel (Xisbi)ay ku biireen, laakiin sheekadaasi way iska socotaa oo rag siyaasiyiina oo fara badan kooxna ah, waxaa loo hadal hayaa waa miisaanka ay leeyihiin, oo shacabku naawilayo halka ay ku biirayaan noqonay meesha guushu raacayso.”

Saraakiisha xisbiga Waddani ayaa iyagu inta badan ku doodaya inay siyaasiyiinta isbahaysiga wadahadal la fureen, balse waxaa arrintaasi hore u beeniyay qaar ka mida siyaasiyiinta Isbadaldoonka Kulmiye.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews