berberatoday.com
Adeeg Xawaaladeed Oo Lacag La’aan Ah Ama Bilaash Ah Oo Laga Hirgliyay Waddanka Mareykanka
January 30, 2016 - Written by Berbera Today

News York(Berberatoday.com)-Adeeg cusub oo lacagaha loogu xawli karo waddamada Bariga & Bartamaha Afrika ayaa kusoo biiray Suuqa Xawaalada, bangiyada iyo shirkadaha sarrifka kaas oo lagu macagaabo SendWave, waxaana si lacag la’aan ah u isticmaali kara qurbajoogta dalalkaas ee nool Canada iyo Mareykanka.

dolar

Habkan waxaa isticmaali kara oo keliya qofka oo heysta Teleefoonka gacanta ee casriga ah Smartphone, isagoo App-ka lacagta lagu diro kasoo degsanaya www.sendwave.com.

“Adeeggan waa mid casri ah oo muddo ka yar 5 daqiiqo aad lacag ugu diri karto qoyskaaga iyo asaxaabtaada, waana mid lacag la’aan ah” ayuu HOL u sheegay Will Fogel oo ka tirsan Sendwave. “Dalalka sida fudud lacaga lagu gaarsiin karo waxaa ka mid ah Kenya, Uganda, Tanzania iyo Ethiopia” ayuu sii raaciyay.

Wuxuu sheegay inay ka shaqeynayaan sidii adeeggan loo gaarsiin lahaa Somalia, maadaam ay dad badan oo Somalia oo dibadda ku nool ay lacago ka xawilaan wadamada ay joogaan gaar ahaan Canada iyo Mareykanka.

“Ma jirto wax lacag ah oo laga qaadayo qofka lacagta diraya ama qofka qaadana, waxaana lacagta ka diri kartaa teleefoonkaaga dhexdiisa, waxay la mid tahay adiga oo farriin qoraaleed qof u diraya, kaliya waxaad u baahan tahay inaad soo degsato appka, kaddibna aad sameysato password” ayuu yiri Fogel.

“Waxaan ugu talagalnay adeeggan in dadku ka faa’iideystaan, wuxuuna noqon doonaa mid aad loo jeclaado marka ay dad badan billaabaan isticmaaliisa, waayo waa adeeg aad adigu maamulaneyso oo deg deg ah, isla markaana aan kaaga baahneyn shaqo badan, sidaas oo kale waa ammaan hantida dadka isticmaala Sendwave,” ayuu sii daba dhigay Will Fogel.

Ugu dambeyn, Sendwave oo la aasaasay 2014-kii ayaa weli adeeggiisu gaarin Soomaaliya, maadaama habka isticmaalka bangiyada ay weli dalka ku yaryihiin.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews