berberatoday.com
Sheekh Maxamed Idiris Oo Ka Hadalay Khatarta Ku Jirta Rukuucdii Madaxweynaha Soomaaliya U Sameeyay Askartii Kenya Laga Laayay
January 30, 2016 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-Sheekh Maxamed Idiris, ayaa wuxuu ka hadlay arrin dood xoogan ka dhex dhalisay shacabka Somaliyeed, ka gadaal markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Arbacadii u sujuuday Ciidankii Kenya, ee xuska loogu samaynaayay Magaalada Eldoret Ee Galbeedka Kenya.

xasan sheekh oo sujuuday

Qoraal uu soo saaray Sheekh Maxamed Idiris, isla-markaana uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Facebook, ayuu Madaxweynaha Somaliya ugu yeeray inuu cadeeyo waxa ku khasbay arrinkaasi.

 

Qoraalka Sheekh Maxamed Idiris, ayaa sidatan u qornaa:

Madaxweynuhu ha caddeeyo arrinka lala yaabay!

Waxaa barraha xidhiidhka bulshada illaa shalay dadka Soomaaliyeed aad u hadal hayeen Sawir la soo dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Calaamad Sujuud ku hor istaagey daljirka dahsoon ee Kenya!!

Madaxweynuhu waa nin Muslim ah, dal iyo dad Muslim ahna wuu matalayaa. Dhaqanka Diplomaasiyaddana waxaa ka mid ah (Protocol) loo ilaasho dal kasta madaxdiisa wixii ka caaggan diintooda iyo dhaqankooda.

Sidaa awgeed wexey dadku is weydiinayaan: Maxaa ku khasbay Madaxweynaha arrin diintiisa ka soo horjeeda, oo dembi weyn ah, halisna uba ah burintiisa?

Waxaa xaq loogu leeyahay Madaxweynaha arrinkaas dadku wada arkay, lana fajacay inuu jawaab ka siiyo waxa ku khasbay?

Xagga xukunka arrinka, Culimada Islaamku iskuma khilaafsana Cid aan Ilaahay ahayn in loo sujuudo iney xaaraan maqdaca tahay, wexeyse isku khilaafeen: ma lagu gaaloobayaa mise maya?

 

Qaarkood sida Culimada Xanafiyada wexey qabaan in lagu gaaloobayo ama cibaada ha ula jeedo qofku ama salaan.

 

Culimada qaarna wexey qabaan haddii cibaada loola jeedo in lagu gaaloobayo, haddii kalena dembi wayn tahay.

Sidey noqotaba waa arrin culus oo tilmama badan oo aan fiicnayn ka bixineysa Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida iyo dadkeeda iyo Dawladeeda. Ilaahow na astur.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews