berberatoday.com
“Subixii Waxaannu Tagnaa Xafiisyada Arrimaha Bulshada, Kadibna Waanu Soo Laabannaa, Mana Jirto Maamuus Aanu Ku Qabo Dawladda” Horjoogihii Hore Ee Nabadiidka Khaatumo Inhs Sheel
January 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hor-joogihii Hore Ee Nabad Diidka Khaatumo-seeg Oo Quus Ka Muujiyey Kalsoonnidii Ay Dawladda Soomaaliya Ka Filayeen

 indho shabeel

Muqdisho(Berberatoday.com)-Horjoogihii hore ee kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo Maxamed Yuusuf (Indho-sheel), ayaa sheegay inay quus ka joogaan in dawladda Muqdisho ay maamul u aqoonsato kooxdiisa falaagada ah. Mr. Indho-sheel waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad ay taageereyaasha kooxdaasi ku qabsadeen magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya, halkaasi oo su’aalo kala duwan lagu weydiiyay horjoogihii hore ee kooxda nabad-diidka ah. “Maamulkani wuxuu ahaa mid ku samaysmay rabitaanka shacabka hase ahaatee ma ahayn maamul leh kaabe dhaqaale oo uu dhinaca saaro, taasi waxay noqotay caqabada ugu weyn ee hano-qaadka maamulkaa hortaagan, sidoo kale waxa uu ahaa maamul ay labada dhinac ka xigaan Somaliland iyo Puntland oo aanu midna raali-gelinayn taasina waxay ahayd caqabada labaad ee hortaagan,”ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Indho-sheel. Indho-sheel oo la weydiiyay sababaha dawladda Muqdisho wax ula qaban wayday maamulkooda gacan ku rimiska ah, waxa uu si quus ah u yidhi “Haddii ay Khaatumo afar sannadood soo gaadhay way adkaysi badan tahay sidaan qabo. Anigu shakhsi ahaan hadda waxaan wakiil uga ahay maamulka Khaatumo dawladda federaalka, mana jirto tix-gelin, martinimo iyo maamuus kale oo aanu ku qabnaa subixii baanu kacnaa waxaanu tagnaa xafiisyadda ururrada bulshadda, ka dibna waanu soo laabanaa. dawladdan federaalka ee hadda jirta Soomaaliya ma aha mid raalli ka ah samaysanka Khaatumo, ama ha noqoto awoodda gacantooda ku jirta oo iska yar ama dano siyaasadeed-ba ha noqoto sababtuye ma ogola Khaatumo.”

Horjoogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa beryahan dambe ku sugnaa magaaladda Buuhoodle, halkaasi oo waxgaradka deegaankaasi ay wadaan qorshe si salmi ah ay doonayaan inuu uga baxo magaaladda iyadoo Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo isna ku sugan magaaladdu uu gabi ahaanba xadiday dhaqdhaqaaqa Cali Khaliif oo uu ku sifeeyay dagaal ooge duulaan ku ah nabad-gelyadda gobolka Buuhuudle iyo guud ahaan Somaliland-ba.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews