berberatoday.com
Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Ka Hadlay Qodobo La Farayo Dadka Ajaanibka Ah
January 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliyaha Laanta socodaalka Somaliland Gaashanle sare  Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro)  ayaa ka hadlay go’aano ay Xukuumaddu ka soo saartay dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu go’aanadaas ay ka soo saartay dadka ajaanibka ah ay ka mid yihiin inay dalka ku soo galaan kuna joogan sifo sharciya, in ardayda, ganacstada iyo shaqaalaha ajaanibka ee dalka jooga inay si toos ah ula xidhiidhaan laanta socodaalka ee hadba u dhaw halka ay joogaan, in qofka lagu qabto isaga oo sifo sharci daro ah dalka ku jooga in la mustaafurin doono. 

1111111111111

 Taliyaha Laanta socdaalka Gaanshanle sare Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro), oo Wargeyska Geeska Afrika uga waramay go’aanada ay Xukuumaddu ka soo saartay dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan ayaa hadalkiisi ku bilaabay ”Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), iyo Golaha Wasiiraddu waxay soo saareen go’aan ku saabsan socotada iyo ajaanibka dalka ku sugan, waxaanu qeexaya sida tan marka ugu horeeysay qof walba oo muwaadin ah waxa ku waajib ah inuu qaato kaadhka muwaadinka, waliba muwadiniinta iyo dadweynaha reer Somaliland waxa la farayaa Hudheelada, Kantaroolada,isku socodka, Xawaaladaha, Dawladda hoose, xafiisyada iyo meel kasta marku imanayo in la weydiiyo qofka kaadhka muwaadinka, oo marka ugu horeeysa waa in waajib lagaga dhigaa qofka muwaadinka ah inuu haysto kaadhka muwaadinimada,

Dadka ajaanibka ah ee dalka ku nool waa inay marka u horeysa dalka ku soo galaan sifo sharciya,nin kasta oo mudadaas loo qabtay muddo ka dambaysa ku soo gala sifo sharci daro ah waxa ay Dawladdu ku qaban doontaa gacan bir ah, isaga oo helaya waajibaadkiisa sharciga ah ayaana la mustaafurin doonaa.

Dadka ajaanibka ah ee imika dalka ku sugan, ee shaqaale cid u ah,ee ay ka mid yihiin dadka Somaliweyn, Jabuuti, Itoobiya iyo cid kasta oo aan dalka u dhalan waa inay sifo sharciya ku soo galaan kuna joogaan dalka, lagana helaa Basaboorkoogii, Fisahoodii, Sharcigoodii, kuwa aan sharciga haysan ee u shaqeeya qof reer Somaliland ah waa in qofkaas uu u shaqeeynayo ee reer Somaliland ahi ku damiintaa Kaadhkiisa, iyada oo la eegayo shaqadiisa, hantidiisa iyo gurigiisa,wixii ka dambeeya 25/2/2016 gacan xukuumadeed ayaa talaabo ka qaadi doonaa.

Dadka ajaanibka ahi waxa ay heli doonaan Fiso Shaqaale, Fiso Ardaynimo iyo Fiso Ganacsi, wax walba wey helayaan marka ay buuxiyaan shuruudihii looga baahnaa, Ardayda dhigata Jaamacadaha, Shaqaalaha iyo Ganacsatada   ajaanibka ahi waa inay iska diwaangeliyaan goob kasta oo u dhaw oo Laanta Socodaalku ku taalo.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews