berberatoday.com
Yemen: ISIS Oo Weerar Bambaano Ku Qaaday Madaxtoooyada Cadan + (Sawiro)
January 30, 2016 - Written by Berbera Today

Cadan(Berberatoday.com)-Qarax bambaano oo Khamiistii shalay ka dhacay nawaaxiga xarunta Madaxtooyada ee magaalada Cadan ayaa waxaa sheegtay inay ka danbeeyeen kooxda ISIS.

Yemen-Cadan-Qarax-Madaxtooyo-2016-1-2
Weerarkan ayey ku dhinteen ugu yaraan 7 qof, waxaana la sheegay inuu burbur xoogleh uu soo gaaray guryo ku yaalay nawaaxiga xarunta Madaxtooyada Cadan oo uu xiligaasi ku sugnaa Madaxweyne Cabdulrabi Mansuur Hadi iyo waliba Raysalwasaaraha Yemen Khalid Bahah. Mas’uuliyiintan ayaa ka bad baaday weerarkan.

Gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyey ayaa lagu qarxiyey meel 1km u jirta Madaxtooyada oo ay bar kontarool u tiilay ciidamada illaalada Madaxtooyada.

Kooxda Daacish ee weerarkan sheegatay ayaa barta Twitterka ku faafiyey qoraal ay kusheeganayaan abaabulka iyo fulinta weerarkan, waxayna sheegeen in weerarkan uu fuliyey nin ay ku magacaabeen Abu Hanifa al-Hollandi, macada in ninkan uu ka yimid dalka Holland sida ka muuqata magaca ay kooxdaasi u yiqiineen ninkan, walow aan weli la shaacin magaca rasmiga ah ee qofkan is qarxiyey.

Muuqaalka Twitterka lagu shaaciyey ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa sawiro muujinaya ninka weerarka geystay oo gaarigiisa doonaya inuu ku dhufto goobta ay ku sugnaayeen ciidamada amaanka.

Yemen-Cadan-Qarax-Madaxtooyo-2016-1-3

Madaxweynaha Yemen Cabdulrabi Mansuur Hadi ayaa dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay dib ugu soo noqday dalka Yemen, kadib muddo dheer oo uu ku noolaa dalka Sucuudiga, waxaana xiligan xarun u ah Madaxtooyada magaalada Cadan ee koonfurta dalka Yemen.

 

 

 

Berberatoday.net/Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews