berberatoday.com
Laba Ka Mid Ah Musharaxiintii Isbahaysiga KULMIYE Iyo Xubno Uu Wakiishay Guddoomiye Muuse Biixi Oo Wadahadal U Furmayo Maanta
January 31, 2016 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee maaliyadda somaliland mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda somaliland mudane Maxamed Biixi Yoonis  oo ka mid ahaa musharaxiintii qaadacay shirweynihii golaha dhexe ee sanadkii hore lagu doortay Guddoomiye Muuse Biixi cabdi inuu noqdo Musharaxa weynaha ee Xisbiga KULMIYE doorashooyinka 2017 , ayaa markii ugu horaysay la kulmaya xubno uu soo wakiishay Guddoomiye Muuse biixi cabdi .

ss

Kulankani oo ah mid xogtiisa aad loo ilaaliyay ayaa maanta ka dhacaya magaaladda Addis ababa ee dalka Itoobiya , wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku sugan magaaladda addis ababa ,halka wasiirkii hore ee maaliyadda cabdicasiis maxamed Samaale isla shalay galinkii dambe ka dhoofay magaaladda hargeysa ee caasimadda somaliland ,waanna kulankii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay yeelanayaan qaarka mid ah musharaxiintii Isbahaysiga iyo xubno si gaar ah u metelaya Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi .

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo caynabanews soo xigtay ayaa sheegaya in kulankani siddoo kale uu qayb ka noqonayo Ganacsade Maxamed Aw siciid oo ka mid ah ganacsatadda reer somaliland , kaasi oo sidda la sheegay ka madaxbanaan labada dhinacba balse kulankani qabsoomidiisa iyo isu keenista masuuliyiintani qayb weyn ku leh .

Xubnahani uu wakiishay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inay siddoo kale la kulmaan Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe haddii Xisbiga WADDANI ku guuldarayso wadahadalo bilow ah oo wakhtigan u socda xubno ka mid ah Isbahaysiga KULMIYE iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani .

Garabka Isbahaysiga KULMIYE ayaa wakhtigan si weyn igu Khilaafay Xisbiga ay cududooda siyaasadeed ku biirinayaan waxaanna hadda si weyn loo dareemayaa khilaafka soo kala dhexgalay Masuuliyiinta miidaanka u hayay Isbahaysiga KULMIYE .

 

 

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews