berberatoday.com
Madaxweyne Siilanyo Iyo Wafti Uu Hiogaaminayo Oo Safar Kaga Soo Baxay Hargeysa Kuna Sii jeeda Gobolka Togdheer Iyo Berbera Oo Loogu Qaada Kariyay
January 31, 2016 - Written by Berbera Today

siilanyo1Berbera(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud(Siilanyo)iyo wafti balaadhan oo katirsan Xukumadiisa iyo Xisbiga Kulmiye ayaa Safar aan hore loo sii shaacin goor dhaweyd barqadii kaga soo dhaqaaqay Maaalada hargeysa Socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku waajahanyay Gobolka Togdheer iyo deegamada Bariga ka xiga waxaana Madaxweynaha Socdaalkiisa lagu macneeyay Xadhig kajarka qeyb kamida Wadada isku xidhi doonta Gobolada Sanaag Iyo Togdheer oo la dhameeyay dhawr kiilo mitir oo kamida.

Madaxweyne Siilanyo iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa maanta loogu qada kariyay magaalada Berbera oo la sheegay inuu qadar saacado ah oo kooban uu kusii nasan doono aqalka Madaxtooyada berbera oo maanta galinkii hore ay ka socotay shaqo xoiogan oo Maamulka Sare ee Dekeda Berbera ku diyaarinayo macsuumada madaxweynaha iyo waftigiisu quudan doonaan Waxaanay la filayaa in Madaxweynaha iyo waftiga uu hogaaminayaan caraabe galabta kaga bixi doono magaalada Berbera iyaga oo usii jahaysan doona dhinaca Gobolka Togdheer iyo magaalada Burco oo uu kusii hoyan doono sida qorshuhu yahay.

 Socdaalka Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa waxa tuhun dhaliyay oo Ku wehelinaaya Masuuliyiinta Xisbil Xaakimka Kulmiye oo uu hogaaminayo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo tuhun siyaasadeed dhaliyay marka laga reebo xadhig kajrka kiilo mitirada yar ee jidka Ceerigaabo iyo Burco isku xidhi doona waxaanu socdaalka Madaxweyne Siilanyo umuuqdaa mid kaabeyn siyaasadeed ah oo daba socda socdaalkii uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan maxamed Cabdillahi(Ciro) kutagay Gobolka Togdheer iyo deegaamada hoos yimaada ee bariga oo la sheegay inuu soo dhaweyn iyo taageero mugle kaga helay  halka Muuse Biixi iyo waftigii uu hogaaminaayay ay Gobolka Togdheer  ka heleen taageero ku kooban shaqaalaha dawlada iyo masuuliyiinta haayadaha dawlada oo si khasab ah lagu soo saaray. waxaanay dadka siyaasada faaleeyaa sheegeen inuu Muuse Biixi iyo Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye kasban kariwaayeen shacabka reer Togdheer iyo Waliba Beesha Madaxweyne Siilanyo kasoo jeedo oo waayadan danbe ilaa intii uu Madaxweyne Siilanyo shaaciyay in aanu musharax ahayn ka gaabiyay taageeradii Xisbil Xaakimka Kulmiye intooda badanina isugu biyo shubtay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo la sheegayo inuu wada hadalo siyaasadeed la galay waxgaradka iyo siyaasiyiin beesha Bariga Burco kasoo jeeda taas oo keentay in Muuse Biixina soo istaadho Madaxweyne Siilanyo isaga oo ku Guubaabiyay in uu kaabeyn siyaasadeed kala galo beesha Bariga Burco iyada oo la sheegay in Muuse Biixi Cabdi Musharaxa Xisbiga Kulmiye Gacmo madhan ka taaganyahay Baria Burco halka aanu taladaba ku darsan beesha Galbeedka Burco xageedana aanu ukicinba

Wararka kasoo Baxaya Socdaalka Madaxweynaha ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilanyo uu socdaal aan la sii shaacin ku tagi doono ilaa jiida hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland iyo fadhiisimadooda Iyo waliba Gobolada bariga oo uu kamid yahay Gobolka Sool magaalada laascaanood.

 

 

 

 

Berberatoday.com/Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews