berberatoday.com
“Waar Cidda Leh Cali Khaliif Dagaal Ma Rabo Waa Huf Iyo Been Waxba Kama Jiraan, Waa Dagaalamaynaa”Horjooge Cali Khaliif Galaydh
January 31, 2016 - Written by Berbera Today

“Waar cidda leh Cali Khaliif dagaal ma rabo waa huf iyo been waxba kama jiraan, waa dagaalamaynaa”       

“Waar wax i deeqa oo aan u soo joogsado oo Hargeysa yaallaa ma jiro, haddiiba se ay iyagu caqli la yimaadaan callaleheedda”

“Waar maxkamadda caalamiga ah ee madaxda afrika la wada geeyay, hadda Siilaanyoow adna kuwaasaad ka mid tahay”

Buuhoodle(Berberatoday.com)-Hogaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa shalay shir ay isaga iyo xubno kale oo kooxdiisa ka mid ahi ku yeesheen Buuhoodle ka jeediyay hadal dagaal oogis iyo iska horkeenka bulshada u badnaa.

Hadalka uu halkaa ka jeediyay wuxuu Cali Khaliif ku bilaabay oo uu yidhi; “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa magaaladda Buuhoodle iyo dadka dega ee aanu maanta martida u nahay haddaanu maamul nahay. Waxa naga go,an sidaa ay iyaguba u tafaxayteen inay daafacaan magaaladan ayaanu ku bogaadinaynaa uguna mahadnaqaynaa. Anba faydniye waxba hay farin buu ahaa, waa aragnaa shirarkan is daba joogga iyo ka hor taga cadawgan inoo badheedhay ee horena magaalooyinkeenii qaar u haysta sida magaalo madaxdeena Laascaanood, tana looga taag la,yahay. Waxaan u malaynayaa SNM marxalad taariikhiya baa la marayaa, iyaguna waxay yihiin waa ognahay, warkoodu nagama qarsoona, waa ognahay dooddo inay dhexdooda jirto, qaar waa kuwa leh wax baanu muquuninaynaa, Buuhoodlaanu gacan bir ah ku qabanaynaa, been badanaa gacan bir ah xagay ku haystaan. Kuwa sidaa ku doodayaw waxaad ogaataan, hadda idinkoo ciidan ah oo tikniko wata yaanu dagaal gelaynaa, hadda maatadiiniina Buuhoodle 10km ama ka yar ayay u joogtaa, dagaalkaa aad wadaan wuxuu ku dambayn doonnaa maata doox, hadda cidda maatadoodii halkan daadsan tahayna waa idinka. fidno ma rabno, waa la soo dhaweeyay, dhulkoodaan ilaahay roob ku manaysan, abaar baa haysatay, way yimaadeen waa la soo dhaweeyay, abaalkoodii hadduu noqdo waa idin xasuuqaynaa, dalka cidda leh uun baa la arki, cidda maatada ah ee halkan daadsana waa la arki.”

Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “ Arrinta labaad horraa Hargeysa looga odhan jiray Khaatumo ma shiri karto, waanu shiray, ciddii maanta tidhaahda Maakhir iyo Khaatumo ma shiri karaan waa beentood, ilaahoow ay nagu kelifto doon dusheed in aanu ku shiro, waa shiraynaa, maamulkayagana samaysanaynaa ama ogolaadda ama ha ogolaanina. Arrinta Xamar nin baa laga hayaa, hebel baa ku caayayay iyo awalba col baanu ahayn, waar hooy talada Xamar taala ee go,aankaasi ka soo baxay Xamarna ma dhaqayso, soomaaliyana ma dhaqayso,anagana waxa ayaandaro ah,  anagoo  dhulka baaxadiisu intaa le,eg yahay degan, anagoo tirada dadka ku nool ay malyan tahay, in la yidhaahdo duleed joog baa taladda soomaaliyeed ka noqonaysaan, waar nama qabato, kama mid nihin, mana aqbalayno.”

Cali Khaliif dhan kastaba wuu u galgashay, isla markaana isagoo sii wada hadalkaa wuxuu yidhi;  “Dhawdhawdu caduur umay dhicin, waar maxkamadda caalamiga ah ee madaxda afrika la wada geeyay, hadda Siilaanyow adna kuwaasaad ka mid tahay, hadda maxkamaddaa warkeeddii waa ururinay, hadda looyaradii loo qaban lahaa waa dhab waanu qoranay, waar hooy ka daa, waar hooy Siilaanyow ka daa, waar da, baad joogtaaye ka daa, waar nin aanu si fiican isu naqaanaad tahay, magaaladdana faan badannaa, waar kuma dhacdaan. Ninka la yidhaahdo Muuse Biixi ee leh anigaa gacanta meel walba ku qabanaya, anaa yoocadda  soo qabanaya, waar ka daaya, waar jabkiinu waa noo muuqdaa. Waxaanu leenahay hadaydaan Widhwidh ka bixin oo Balihadhac ka bixin oo Laascaanood ka bixin, waar dagaalkaasi ma dami doonno, safayn buu noqon doonnaa. Waar wadahadalo naga dhexeeya anaga iyo Somaliland ma jiro, waar Cali Khaliif cidna Hargeysa uma wado, waar wax i deeqa oo aan u soo joogsado oo Hargeysa yaallaa ma jiro. Haddiiba se ay iyagu caqli la yimaadaan calaleheedda, ma soo muuqdo ee waa calaleheedda. Reer Buuhoodlow aad baa u mahadsan tihiin, meeshaa aad ku dhimanaysaan baanu idinkula dhimanaynaa, waar hooy fulle xantii ma mooga, waar dhawr meellood waa nalaga caydhsaday, laakiin tani tii layska caydhsan jiray ma noqonayso. Reer Buuhoodlow waynu balanay, waa wada dagaal gelaynaa, meeshani waa qalcaddii Khaatumo waa wada daafacanaynaa. Waar cidda leh Cali Khaliif dagaal ma rabo waa huf iyo been waxba kama jiraan.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews