berberatoday.com
Wakiilka Somaliland U Fadhiya Adis-Ababa Oo Iibiyay Baabuur Ay Safaaradaasi Lahayd Iyo Xadiga Lacagta Uu Siiyey
January 31, 2016 - Written by Berbera Today

Adisababa(Berberatoday.com)-Safiirka Somaliland u fadhiya Magaaladda Adisababa ee xarunta dalka Ethiopia Maxamuud Jaamac Aadan (Galaal) ayaa iibiyey baabuur  noociisu ahaa Laankuruusar  islamarkaana ka  mid ahaa baabuurta xafiiskaasi, kaas oo uu ka iibiyey dad rayid oo imika baabuurkaasi ku dhex-wata Adis-ababa.

Baabuurkan Laankuruusarka ah oo numberkiisu ahaa 97137 ayuu safiirku fasaxay ka dib markii uu mudo dhawr bilood ah xilkaasi hayey, kaas oo uu siiyey sida ay dad xogagaal ahi noo sheegeen 80 kun oo lacagta Ethiopia ah, isagoo lacagtaasna jeebka ku shubtay isla markaana ay arrintaasi ka abuurantay khilaaf xoogan oo soo kala dhexgala isaga iyo ku xigeenkiisa Mr Ayaanle Salaad.

 

Sidoo kale safiirka cusub ee dhawaan uun uu Madaxwayne Siilaanyo u magacaabay inuu madax ka noqdo xafiiskaas Somaliland ee Adis-ababa ayaa isagu markii uu mudo bil ah xilkaasi hayey ka raray safaaradaasi dhismihii ay ku jirtay oo ay wax sanad ka yar ku jirtay isagoo sida ay noo sheegeen ilo wareedo xogogaal ahi uga gol lahaa inuu Bajad ku helo xafiiskaas cusub oo uu xukuumadda dhexe kaga qaatay kharash aad u badan.

Dhinaca kale talaabadda uu qaaday safiirka Somaliland u fadhiya Ethiopia ayaa dhabar-jab ku ah sumcada diblo-maasiyadeed ee marka hore-ba hoos u dhacday mudadii xukuumadda Siilaanyo taladda haysay, iyadoo isla markaana ku fashilantay inay musuul ku haboon safiirka dalka xidhiidhka ugu mihiimsani ka dhexeeyo Somaliland inay u magacawdo.

 

Source Haatuf.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews