berberatoday.com
Berbera uma Baahna Deked laga Garab dhiso,Ha Noqoto Ceel-Gardi iyo Wax la Mid ah.
February 18, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Qalabka Warbaahinta laga Maqlayay Muran ku saabsan dhismaha Dekadda la sheegay in laga hirgalinayo Deegaanka Ceel-Gardi.
Ugu horayn Waxaan Qirayaa in Dalkeenu u baahan yahay in dekado cusub loo dhiso Isla markaana la Horumariyo Kuwa shaqeeya hasa yeeshee Waxaan u arkaa arrin aan haboonayn in la yidhaa waxaa deked laga binaynayaa Marso u dhow ta Magaaladda Berbera oo ah Isha ugu Weyn ee Dhaqaalaha Waddanku ka soo galo Isla markaana u Jirta Masaafo dhan 23 Km oo Keliya.
Cid kasta oo ku talisay arrintaasina waa mid Majare habaabinaysa dhismaha qarankan iyo tacabkii inaga galay labadaba.
Waxaa Waajib ah in la Maalgeliyo oo la Dhiso Dekedaha dalka ku yaala ee aan Shaqayn Sida Bula-xaar,Saylac,Maydh,Xiis, Ceel Sheekh iyo Kuwa la Midka ah oo Wax tar badan u tari lahaa dalka iyo dadka isla markaana hoos u dhigi lahaa Shaqo yaraanta baahsan ee dalka ka taagan.
Waxaa Jirta Dood odhanaysa Ceel Garde waxaa laga samaynayaa Deked Macmal ah adeegsiga Kelmadda Macmal Waa Mid ka Turjumaysa Goob deked lagu sheegayo hadana aan ahayn Xaqiiqaduse Waxay tahay in Dekedda Macmalka ah loo isticimaalo in laga soo dejiyo alaabta Kootarabaanka dalka la rabo in lagu soo geliyo ama Wixii si qarsoodi ah dalka dibadiisa loogu dirayo,Arrintanina waa mid wiiqaysa dhaqaalaha dalka.
Si kastaba ha ahaatee Waxaan Shaki ku jirin in aanay Maskaxda fayow wax geli kara ahayn in la yidhaa Waxaa deked laga samaynayaa Goob Masaafo aan badnayn u Jirta Dekedda Caalamiga ah ee Magaaladda Berbera,Waxaan sidoo kale ugu Caqli celinayaa Cid kasta oo damacaasi ku jiray inay eegaan Maslaxadda iyo horumarka aynu rabo inaynu gaadhno.
Waxaynu doonaynaa inaynu dhisno qaran Somaliland ah oo dadkiisu gacmaha is haystaan,Waxaan doonaynaa in laga taxadiro in raas kastaaba uu Yidhaahdo Waxaan Samaysanayaa Deked ii gaar ah taas oo hadii ay dhacdo inagu celinaysa Marxalad aynu xili hore ka soo gudubnay,Sidaa awgeed aynu Caqliga ka shaqaysiino oo Maalgashano Dekedaha qadiimiga ah ee u baahan dib u habaynta Sidaas ayaynu qaran jira ku noqonayaa.
Allaa Mahad Leh
Waxaa Qoray Cali Cabdi Xaaji Aadan “Cali Yaanbo”
dalkahooyo2@gmail.com

 
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews