berberatoday.com
Somaliland”Lamaane dhalay 15 Carruur ah oo Saddex Saddex Iyo Laba Laba Mataano Ah Oo Xaaladdooda Ka Waramay
February 18, 2016 - Written by Berbera Today

Aabaha Carruurtan dhalay oo sheegay inaanu Magacyadooda kala aqoonin

Taysa(Berberatoday.com)-11 Sanadood oo ay is-qabeen Lamaanaha kala ah Axmed Daahir Aw Qaasim iyo Raaxo Carab Aw Muxumed waxay dhaleen 15 Carruur ah oo Mataanno ah, kuwaas oo u dhashay Saddex Saddex iyo Laba laba.

Qoyskan oo Sabool ah oo ku nool Deegaanka Taysa oo Magaalada Gabiley kaga beegan dhanka Koonfur-bari, waxayna ka mid yihiin Dadka ay Saameeyeen Abaaraha ku dhuftay Somaliland, ayaa muddooyinkan dambe aad indhaha loogu hayey, ka dib markii Sawirrada Qoyskan lagu baahiyey baraha Internet-ka ee Bulshadu ku xidhiidho.

Qoyskan oo uu booqday Wariye Maxamed Cabdi Boosh oo ka tirsan Telefiishanka HCTV, ayaa ka waramay Xaaladdooda Nololeed ee Wakhtigan, sida Carruurtu ugu dhalatay, Caafimaadkooda iyo Habka ay ku helaan Quutal-daruurigooda.

Axmed Daahir Aw Qaasim, ayaa sheegay in aanay isaga layaab ku ahayn tirada Carruurtiisa iyo habka ay ku dhasheen, laakiin, ay Dadku layaabaan aadna u waydiiyaan, “Waa Gallad ILAAHAY loogu Mahad-naqo oo ILAAHAY uun laga helo, waxba laguma Sababeyn karo oo wax ILAAHAY uun uu keeno Carruurto”

Aabaha 15-ka Carruurta ah waxa uu sheegay inaanu kala garan Carruurtiisa, “Ma kala garto Carruurta, Hooyadood baa iga taqaana, anigu Magac keliya ayaa u wada aqaanaa, Waayo? Qaar baa isku eeg.” Ayuu hadalkiisa raaciyey, waxaanu intaa ku daray inuu Carruurta ugu xoogsado Gaadhi Taksi ah oo uu Dadka Taysa ugu geeyo Magaalooyinka Gabiley ka mid tahay, “Noloshu Sannadkan oo kale aad bay iigu adag tahay, laakiin, wixii dedaalkayga ah waan sameeyaa oo Habeenkii Shantaan kacaa waxaanan soo hoydaa 3-da Galabnimo, intaana waxaan ugu maqanahay Qadhaab, oo Gaadhigaa yar ee Taksiga ah ayaan ugu Xamaal tagaa, maalinna waxbaan ugu soo helaa, maalinna waxbaan ugu soo waayaa.”

Dhammaan 15-ka Carruurta ah, ayaan Hooyadood midna ku dhalin Cisbitaal isla-markaana helin kaalmo Caafimaad, laakiin, Hooyada Carruurtan Raaxo Carab, ayaa sheegay in Dhalmada badan Sanadahan dambe ku keentay Xaalad Caafimaad daro.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews