berberatoday.com
Waa kuwee madaxdhaqameedka maanta la xidhxidhey ? Maxaase lagu haystaa?
February 18, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Komishanka Doorashooyinka Oo Faahfaahin Dheeraad Ah Ka Bixiyey  Sanduuqa Diiwaangelinta Ee La Weeraray Iyo Qaabka dableydu U Gelelaftay

Magacyada Suldaanka Iyo Chief-Caaqil-ka Laga Soo Qabtay Ceel-la-helay Iyo Bullaxaar+Suldaan Raacdadiisa Lagu Daba-jiro+Ciidammada Ammaanka  Oo Heegan Buuxa Ka Galay Waddooyinka Jihada Waqooyi Kasoo Gala Hargeysasalaadiin hubaysan

 

Hargeysa (Berberatoday.com)-  inta la og yahaylaba askari iyo hal  qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shaqaaqo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ka dhacday goob ay ka socotay diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ku taal deegaanka Hadayta oo hoostimaada degmada Lughaya ee Gobolka Awdal. Shaqaaqadan ayaa timi kadib markii ay dablay hubaysan oo la weriyey in kooxo  madax dhaqameed ahi soo abaabuleen ay weerar ku qaadeen goobtan isla markaana hakad geliyeen hab sami u socodkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo halkaasi ka socotay.

Maxaa Sababay, sidee ayayse wax u dhaceen?

Sida uu sheegay maayarka degmadaas Cabdillaahi Cali Aw Nuur Dixood oo shalay ka warramay sida wax u dhaceen, ayaa sheegay in duhurnimadii shalay ay dabley hubaysan oo wadata shan baabuur ay weerar ku qaadeen halkaasi  halkaasna ay ka qaateen agabkii diiwaangelinta.  “sanduuqii diiwaangelinta ee halkaasi yaalay ayaa manta [shalay] 12:30-kii la weeraray xabado ayay rideen dablaydii baabuurta saarnayd oo ay dadkii ku kala eryeen, askartii amniga sugaysayna waqti ay qadaynayeen bay ahayd  oo ay qoryaha xaraysteen, xabadihii ay ridayeen waxa ay dhaawacyo gaadhsiiyeen baabuurtii meesha sii joogtay oo laba ka mid ahi ay goobta u shaqaynayeen, qalabkii diiwaangelintana way qaateen, wax khasaare ahi ma dhicin marka laga reebo hal askari oo xabadi dhaawacday” ayuu yidhi maayarka degmadaasi.

Madax dhaqameed loo xidh-xidhay iyo kuwo ku dhaawacmay

Wararkii u dembeeyey ee xaalladaasi la xidhiidha ayaa wargeyska Hubaal u xaqiijiyey in dhacdadaas shalay kadib ay ciidammada ammaanku xalay fiidkii gacanta ku soo dhigeen Suldaan Mawliid Cali Sabayse oo loo tirinayo in isaga iyo xubno kale ay shaqaaqada weerarkaasi  dabada ka riixayeen, waxaana suldaanka iyo saddex xubnood oo la socday lagu soo qabtay deegaanka Ceel-la-helay ee waqooyiga Hargeysa halkaasi oo ay ku sugnaayeen. Sidaasi si la mid ah waxaa isaga degmada Bullaxaar lagu soo qabtay Jiif caaqil Cabdiraxmaan Xasan xoore iyo laba xubnood oo la socday,  waxaana dhammaantooda madax dhaqameedkaas loo soo dhaadhiciyey dhinaca Hargeysa oo xabsiga loo taxaabay, waxaa sidoo kalena ay ciidammadu ku daba jiraan suldaan Ibraahin Sul. Sulub Nuur oo isagana wararkii u dembeeyey sheegayaan  in aan gacanta lagu dhigin. Si kastoo ay tahayba waxaa warku sheegayaa in hal qof oo dhinaca dablayda ah iyo laba askari oo ciidammadii ammaanka goobta diiwaangelinta ilaalinayayba ay dhaawacmeen.

Wararkii u dembeeyey ee xalay saacadihii dembe kazoo baxay hawlgalkan ayaa wargeyska Hubaal u sheegay in si loo sugo amniga deegaanka isla markaana gacanta loogu dhigo dablayda hubsaysan ee weerarka shalay qaaday ay ciidammada ammaanku heegan buuxa ka galeen dhammaanba waddooyinka Hargeysa kazoo gala jihada waqooyi halkaasi oo kantaroollada waddooyinkaasi ay ciidammadu si buuxda u baadhayaan cidda soo galaysa iyo cidda ka baxaysaba, waxaana  saraakiisha ammaanku ay tallaabadan u dembeysay ku sababeeyeen in ay uga gol leeyihiin in gacanta lagu dhigo suldaanka lagu daba jiro raacdadiisa iyo shuftadii kale ee weerarka fadhatada huwan ku qaaday deegaankaasi gacanta loogu dhigo.

Komishanka Doorashooyinka oo arrintan ka hadlay

Komishanka doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  shir jaraa’id oo ay xalay ku qabteen xaruntooda magaaladda Hargeysa, waxay ku baaqeen in sharciga la horkeeno koox dabley ah oo weerartay goob diiwaan-gelineed oo ku taalla jiida Sabo-wanaag ee gobolka Awdal.

Komishanka doorashooyinku waxay sheegeen inay kooxdaasi ay qaateen agabkii diiwaan-gelinta isla markaana ay waxyeelo u geysteen shaqaalihii goobtaas ummadda ugu adeegayay.“Goobtaas waxa soo weeraray niman hubaysan oo watay gaadiid, goobtaa diwaan-gelinta codbixiyeyaashu ka socotay waxay ka qaateen agabkii yaallay shaqaalihii goobtana waxyeelo ayay u gaysteen, waxaanu fal-dambiyeedkan ku war-gelinay dawladda oo iyaduna ku dabo jirta waxna ka qabatay fal-dambiyeedka nimankii geystayna badhna way haysaa, badhna way ku dabo jirtaa. Waxaanu idiinku yeedhnay (Saxaafadda) inaanu idinku war-gelino inay falkani ka dhacay deegaanka Sabo-wanaag,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ay qalab cusub goobtii la weeraray geeyeen,isla markaana ay sideedii u shaqeyn doonto.“Falkani markii uu dhacay waanu ka tabaabushaysanay, waxaanu u diyaarinay qalab cusub oo goobtii la geeyay. Waxaanu dadweynaha ku wargelinaynaa in goobtii ay sideedii u shaqeynayso oo labada maalmood ee hadhay ay sii shaqeyn doonto,”ayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Komishan ahaan waxaanu cambaareynaynaa fal dambiyeed kasta oo loo geysto goobaha diiwaan-gelintu ka socoto iyo shaqaalaha sida hawl-karnimada ah u wada hawshaas qaran ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha. Waxaanu dawladda iyo shacbigaba ugu baaqaynaa in fal-dambiyeedkaas foosha xun nimankii geystay gacanta lagu soo dhigo.”

Cabdiqaadir Iimaan waxa uu dadweynaha gobolka Awdal ku bogaadiyay siday ugu diyaar garoobeen ee ay ugu soo baxeen diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo uu ku tilmaamay shaqo qaran oo muhiim ah.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews