berberatoday.com
Wakaaladda AP Oo Baahisay In Qofkii Fuliyey Qaraxii Diyaaradda DAALLO Uu Macalin Ka Ahaa Dugsi Ku Yaalla Hargeysa
February 18, 2016 - Written by Berbera Today

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Somaliland ayaa isagana sheegay in inay indhaha ku hayeen Ruuxa la tuhunsan yahay

Muqdisho(Berberatoday.com)-Warar ay baahiyeen Warbaahinta Calaamka Arbacadii Shalay, ayaa lagu Shaaciyay in Qofka looga Shakisan yahay inuu isku Qarxiyay 02-dii bishan February, Diyaaraddii DAALLO Airlines uu ahaa Macallin ka shaqeyn jiray Dugsi Qur’aan oo ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Qoraal ay Baahisay Wakaaladda AP, ayaa lagu sheegay in Cabdillaahi Cabdisalaan Boodhle loo Aqoonsaday inuu ahaa Ruuxii isku dayay in uu Diyaaradda oo Muqdisho ka duushay kuna Socotay Jabuuti iyo Rakaabkeedaba uu soo rido, isagoo Laptop Waxyaabo qarxa lagu xidhay adeegsanaya.

Sheekh Maxamed C/llaahi oo imaam ka ah Masjid ku yaalla Magaalada Hargeysa oo uu ka yimid Boodhle ayaa u sheegay AP inay is-arkeen Bishii January ee 2016-ka, isla markaana uu u sheegay inuu Muqdisho u socdi, si uu Baasaboor u soo qaato.

“C/llaahi Boodhle wuxuu u dhoofay Magaalada Muqdisho si uu Baasaboor u soo qaato, uuna ugu sii dhoofo Dallalka Turkiga ama India Sababo Caafimaad Darteed,” ayuu Sh. Maxamed u sheegay Wakaaladda AP.

Xarakada Al-shabaab ayaa toddobaadkan sheegatay mas’uuliyadda Weerarkii la doonayay in lagu soo rido Diyaaraddii Daallo Airlines, iyagoo xusay, inay si gaar ah u Beegsanayeen xubno la shaqeeya Sirdoonka Reer Galbeedka iyo Turkiga.

Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan Waaxda Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa la sheegay inuu isku dubariday weerarka, isagoo kasoo muuqday Kammaradda qarsoon ee ku xidhan Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ninkan uu ka mid ahaa 20 Qof oo Xukuumadda Somalia ay xidhay Shilkii Diyaaradeed.

C/llaahi Boodhle, ayaa u Muuqday ruux Taageero ka helayay dhinacyo badan, isla markaana Aaladda uu u Adeegsaday Qaraxana aanu marin qalabka wax lagu baadho ee yaalla Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Sarkaal ka tirsan sirdoonka Somaliland ayaa isagana sheegay in inay indhaha ku hayeen dhaq-dhaqaaqa C/llaahi Boodhle, balse ayna marnaba ka filayn inuu ahaa ruux u khatar ahaa sidan, siday baahisay AP.

Inkasta oo Wakaaladda AP baahisay sidaa, haddana Warbaahinta gudaha ee Soomaaliya, ayaa toddobaadkan gudihiisa laga soo xigtay Warqad Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Magaalada Ankara ay Safaaradda Dawladda Turkiga ee Muqdisho kaga codsanayso in Cabdillaahi Cabdisalaan Boodhle la siiyo Fiisaha ama Dal-ku-galka Turkiga.

Baadhitaannada la xidhiidha Qaraxa Diyaaradda Daallo, ayaa hore loogu ogaaday in Qaraxa lala damacsanaa Diyaaradda Turkish Airlines oo haddii Safaaradda Turkiga ee Muqdisho Fiise siin lahayn Ninkan Qaraxa Daallo ku eedaysan uu raaci lahaa, laakiin, Diyaaradda Turkiga oo la aaminsan yahay inay xog ka heshay, ayaa laba Maalmood ka hor Qaraxa Daallo baajisay Duulimaadkeedii Muqdisho, taasi oo keentay in Daallo qaaddo 70 ka mid ah Rakaabkii ku qornaa Turkish Airlines si ay Jabuuti ugu geyso.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews