berberatoday.com
Shirkadaha Ganacsiga Somaliland Qaarkood Oo $250,000 Ugu Deeqay Dadka Abaaruhu Saameeyeen
February 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddigii Uu Madaxweynaha Somaliland u xilsaaray ururinta qaadhaanka  gurmadka abaaraha  ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol iyo konton kun oo dollar ka guddoomay shirkadaha ganacsiga dalka.

Guddida Isku dabaridka  Qaadhaan Ururinta Abaaraha iyo Qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadka tabaalaysan ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen  Xafiiska Rugta Ganacsiga ee Caasimada Hargeysa kaga waramay deeq lacageed oo loo hibeeyey abaaraha oo ay ka guddoomeen qaar ka mid ah Shirkadaha Ganacsiga, xubno ka mida  Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland iyo qurbojoog dalka ku sugan.

Deeqda lacageed ee guddigu guddoomeen shirkadaha Ganacsiga ayaa isu geyntoodu dhan tahay laba boqol iyo konton kun oo dollar oo kala ah sidan Shirkada Telesom $50,000, iyo Shirkada Somcable $80,000, Al-xarbina $20,000, Aleel  $20,000, Dahabshiil $50,000 iyo waliba $30,000 oo ay bixiyeen shaqaalaheedu,

Sidoo kalena guddigu waxay ka guddoomeen qaadhaan lacageed laba xildhibaan oo ka kala tirsan golayaasha Guurtida iyo Wakiilada oo kala ah xildhibaan Indho Indho oo bixiyey $2,000 iyo Xildhibaan Aadan Xaaji Dirir oo bixiyey 10,000,000 shillinka Somaliland ah, halka dhalinyaro qurbo joog ahna ay ka guddoomeen $600.

 

Intaasi ka dibna Xubno ka tirsan guddigan  oo isugu jiray Ganacsato iyo Culimadda waaweyn ee dalka si weyn looga yaqaano ayaa dadka hantiilayaasha ah iyo kuwa ladan ugu baaqay inaanay maanta waxba ka hagran dadkeena tabaalaysan ee ay hayso abaarta ba’an ee saamaysay dad iyo duunyaba, waxaanay  shacabka Somaliland usoo jeediyeen in maanta loo baahan yahay  in la kaalmeeyo dadkaasi si loo badbaadiyo  nafahooda iyo xoolahoodaba.

Guddidan ayaa xustay in iyaga oo  ka jawaabaya magacowgii Madaxweynaha JSL uu  ugu igmaday hawsha qaadhaan ururinta  isla markaana gudanaya waajibaadkooda ka saaran u dedaalida dadka  iyo duunyada tabaalaysan iyo   gurmadka dadka abuuruhu waxyeeleeyeen  in ay heegan ugu jiraan sidii ay dadkaasi wax u gaadhsiin lahaayeen islamarkaana loo baahan yahay in qofkasta oo somalilander ah uu halkiisa ku hawl galo.

 

Guddigu waxay  dadka ugu baaqeen inyar iyo in weynba  kaalmadooda kusoo diraan  Adeegyada  Zaadka, E-Dahab, Dahabshiil, Salaama Bank  kuwaas oo dhamaantoodba u furan xisaabaadka qaadhaan uruurinta ee lagu kaalmaynaayo dadka abuuruhu saameeyeen.  Dhanka kale guddida waxay halkaasi uga mahad celiyeen cidkasta oo ka qeyb qaadatay gurmadkaasi iyagoo ugu duceeyey in illaahay wax ka kheyr qaba ugu bedelo  dhankoodana waxay hoosta ka xariiqeen inay imika ka hawl geli doonaan sidii ay ugu hawl gali lahaayeen qaadhaankaasi  lacageed ee soo gaadhay.

 

Lanbarada Lagu Soo Diraayo Lacagta Qofkastaaba Siduu Awoodo.

Zaad: 4720222

E-Dahab: 52222

Dahabshil Bank  : 20500

Salaam Bank : 60186075.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews