berberatoday.com
“Kaluunka Xamar Laga Keenayaa Maah Wax Suuragalaya Wasiirkuna Wuu Khaldan Yahay Lagana Yeeli Maayo, Dekeda Ceel Garde Laga Dhisayaa Waxan U Arkaa Inay Xukumadu Lug Ku Leedahay Shacabkan Ay Isku Dirayso Mudo Kordhin Labaadna Ka Dayayso”Xildhiban Siciid Cilmi Rooble
February 20, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo katirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay dhawaaq maalntii shalay kasoo yeedhay kaluumaystada Somaliland gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada Berbera oo ka qeyliyay qorshe Xukumada Somaliland ku fasaxday Kaluunka Somaliya Iyo Putland oo loo soo iib gayn doono Somaliland iyada oo qorshahaasi qoraal rasmiya uu kusoo saaray Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax(Buureed)isaga oo wasiirku ku sababeeyay in Kaluunka Soamliland badeeda laga soo saaraa aanu ku filayn shacabka reer Somaliland ee ku kala dhaqan Gobolada dalka, Arinkaas oo ay Kaluumaystada Somaliland ka qeyliyeen beeniyeena in kaluunka Somaliland ku filaan waayay dalka soona bandhigeen kaluun xadigiisu badan yahay oo dalka oo dhan ku filan ayaa waxa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble kutilmaamay talaabada uu Wasiirka Kaluumaysigu qaaday mid aan suuragal ahayn oo meel kadhac ku ah dalka Somaliland iyo wax soosaarkiisa isagoona xusay Xildhibaanku in aanay arinkaas gole Wakiilo ahaan iyo Xisbi Wadani ahaanba ka hortagayaan kaluun Muqdisho iyo Somaliya laga keenaana aanu dalka soo galayn iyada oo kaluunkii Somaliland yaalo kuna filan yahay dalka oo dhan.

Sidoo kale waxa uu Xildhibaanku ka hadlay Dhismaha Dekeda macmalka ah ee Laga Dhisayo Deegaanka Ceel Garde ee xaalada colaadeed ka abuurtay Gobolka Saaxil iyo shacabka dagan oo aad uga soo horjeeda dhismaha Dekedaas.Waxaanu Xildhibaanku dhismaha Dekedaas ku tilaamay mid sharcidaro ah oo aan barna kaga oolin sharciga dalka uyaala sidoo kalae waxa uu ku eedeeyay inay Xukumadu dhismaha Dekedaas wado shacabkana isku dirayso si mudo kordhin labaad Xukumada Madaxweyne Siilanyo uhesho waa sida uu sheegaye.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warbixinta Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews