Maxkamadda Oo Xayiraad Saartay Wershada Hargaha Iyo Saamaha Ee Degmada Dacar-budhuq
February 20, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda rafcaanka gobalka Maroodi-jeex ayaa xayirtay wershada Hargaha iyo saamaha ee ku taala degmada Dacar-budhuq, ka dib markii ay cabasho ka muujiyeen shacabka deegaanka oo sheegay inay ku waxyeeloobeen hadhaaga suntan wershadaas. Wershadaas ayaa waxa iska leh niman u dhashay dalka Shiinaha.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in maxkamadda rafcaanka gobalka Maroodi-jeex xayiraad saartay wershadaas, iyadoo sidoo kale aanay dadka iska lihi dalka dibadda uga bixi karin.