berberatoday.com
Boobe Yuusuf Ducaale Oo Soo Dhaweeyay Gudida Ictiraaf Raadinta Ee Madaxwaynaha Somaliland Ku Daray
February 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan gudida ictiraaf raadinta Somaliland ee lagu daray,taas oo uu soo dhaweeyay,waxaana uu carab dhabay inaanu garanayn halka laga raadinayo ictiraafka.

 

Boobe-Yuusuf-Ducaale

Boobe ayaa sidoo kale sheegay inaanu madaxwaynaha Somaliland xidhiidh lasoo samayn isaga iyo hogaanka xisbiga waddani si loogala tashada inuu qayb ka noqonayo gudidan,balse waxa uu tilmaamay inaanu waxba kala hagranayn,lana qaban doono wixii karaankiisa.

Xog-hayaha warfaafinta ee xisbiga Mucaaradka ah ee wadani ayaa sidaas ku sheegay mar uu maanta saxaafadda kula hadlayay magaalada hargaysa waxaana uu sheegay inuu soo dhawaynayo xilka Gudidan lagu daray waxaana uu yidhi.

“Sidaad

warbaahinta uga maqasheen ayaanu uga maqalnay,Shalay Goor aan casarkii soo toosay ayaa dadkii internaydku ii shegeen in ay gudidaasi ictiraaf raadintu jirto magacayguna uu ku jiro,waxaana la xidhiidhay guddoomiyaha xisbiga waddani oo boorama joogay,cabdiraxmaana waxa uu ii sheegay inaan isna waxba lala socod siin.

Cabdiraxman Yuusuf Ducaale boobe ayaa intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”Guddoomiyaha xisbiga markii aanu wada tashanay,markii aan la tashaday hogaanka xisbiga iyo intii mudanta ahayd iyo mahuraakii Qoyskayga xaaskayguna ugu horayso,markii aanu arinkaasi rog-rognay inkasta oon layga tallo galinin inkasta oon xisbiga lagala tashan,waxba kama qabo inaan ka mid noqdo gudidaas ictiraaf raadinta.

Boobe ayaa sheegay inaanu garanayn isagu ictiraaf la baadh-baadho oo isaga oo meel yaala lasoo saaro waxaana uu yidhi”Lakiin Ictiraaf la samaysto oo lasameeyo oo la dhaqan galiyo kaas ayaan garanayaa,markaas wixii tamartayd aha ka boobe ahaan waxba ka hagran maayo.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Gudidan lagu daray oo qayb ka noqonaysa sidii ictiraaf ay u raadin lahaayeen,waxaana uu cadeeyay inaanu waxba ka hag-ranayn tamartiisa.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews