berberatoday.com
Boorama: Xisbiga Wadani Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Qabtay SiyaasiyiinMiisan Ku Leh Gobolka Awdal Ku Soo Biiray
February 21, 2016 - Written by Berbera Today

Boorama(Berberatoday.com)-Munaasibad aad u bilan oo si heer sare loo soo agaasimay isla mar ahaantaana xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhaweynaayey siyaasiyiin, agaasimeyaal, guddoomiyeyaal hore oo gobal iyo degmo, aqoonyahanno, qurba-joog iyo taageerayaal aad u tira badan, ayaa maanta lagu qabtay hotel Rays ee magaalada Boorama.IMG_1052

Waxaana ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), guddoomiye ku xigeenka Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo siyaaiyiinta ku soo biiray iyo taageerayaal aad u tira badan.IMG_1055

Siyaasiyiintan ku soo biiray oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii hore ee dib-u-dejinta Somaliland, guddoomiyahii hore ee gobalka Awdal Mr.Xaddi iyo mas’uuliyiin kale oo halkaas ugu horeyn sheegay in ay ku faraxsan yihiin ku soo biiritaanka xisbiga WADDANI, waxaana ay carabka ku dhufteen in aan ciddina ku soo khasbin ku soo biiritaanka xisbiga WADDANI se ay xaqiiqsadeen in xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga kaliya ee dalka u horseedi kara cadaalad, sinnaan iyo horumar.IMG_1073

“Farxadweyn ayey dhammaantayo noo tahay in aanu maanta ku soo biirno xisbiga WADDANI, waxa aanu idiin sheegaynaa in xisbiga WADDANI aanay cidin nagu soo khasbin ku soo biiritaanka, balse waxa aanu oggaanay ka dib baadhitaanno dheer in xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga kaliya ee dalka ka hirgelin kara  horumar,cadaalad iyo sinnaanshiyo. Xisbiga WADDANI waa xisbi qaran oo runtii maanta dalka ka hirgelin kara isbedel dhabba oo ah midka aynu u baahanahay, annaguna waxa aanu ugu soo biirnay in aanu isbedelkaa ka qeyb-qaadanno, sida oo kalena hormuud ka noqo, taageerayaashayadana midhaas ayaanu u sheegaynaa in nagu oggaadaan, waxa aynu dhammaanteen nahay reer WADDANI haddii aynu nahay Awdal iyo Selel.”.Ayey yidhaahdeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta oo halkaas ka hadlay.IMG_1075

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynaayo siyaasiyiinta iyo taageerayaasha ku soo biiray xisbiga WADDANI, isaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI uu yahay madal u furan shacbiga Somaliland, gaar ahaan kuwa doonaya in ay xaqiijiyaan sida oo kalena ka dhabbeeyaan himiladdooda isbedel.IMG_1076IMG_1077IMG_1078IMG_0051IMG_1031IMG_1036IMG_1047

“Waan ku faraxsanahay siyaasiyiinta iyo ma’uuliyiinta ku soo biiray xisbiga WADDANI, aad iyo aad ayaana aan ugu soo dhaweynayaa xisbiga WADDANI, xisbiga WADDANI waa madal u furan guud ahaan bulshada Somaliland, waana aanu ku soo dhaweynaynaa cid kasta oo isbedel jecel. Xisbiga WADDANI, waxa uu umadda u horseedi doonaa horumar ku salaysan cadaalad iyo sinnaanshiyo, waxa aynu u baahan nahay in horumarka dalka ay si isku mid ah u dareemaan goballada Galbeedka iyo Bariga.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews