berberatoday.com
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulan La Yeeshay Dadweynaha Beesha Gabooye Ee Ku Nool Gobolka Awdal
February 21, 2016 - Written by Berbera Today

Boorama(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan la qaatay siyaasiyiinta, oddeyada, cuqaasha iyo dhallinyaro ka mid ah beelaha Gabooye ee degmada magaalada Boorama ee gobalka Awdal.

Waxaana kulankan ka soo qeyb-galay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, xoghayaha cadaaladda xisbiga WADDANI Siyaasi/Haldoor Barkhad Jamac Xirsi Batuun, xoghayaha xidhiidhka goballada xisbiga WADDANI Md.Cabdillaahi Daamur, odeyada, wax-garadka, cuqaasha iyo dhallinyaro ka soo jeeda beelaha Gabooye.

Kulankan oo daarnaa is-xogwaraysi ku saabsan labada dhinac, ayaa ay siyaasiyiinta iyo wax-garadka beelaha Gabooye ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan guddoomiye Cirro iyaga oo tilmaamay in ay cududooda taageero isku geynayaan xisbiga WADDANI sida oo kalena ay diyaar u yihiin in horseed u noqdaan siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen isbedal dhabba oo guud ahaan dalka ka abuurma.

Guddoomiye Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa siyaasiyiinta iyo wax-garadka beelaha Gabooye uga mahad-celiyey taageerada ay u muujiyeen xisbiga WADDANI, waxaana uu hoosta ka xariiqay in xisbiga WADDANI uu si weyn u dhiiri-gelinaayo jebinta dabarka hayb-sooca ee lagu hayo beelaha Gabooye, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka xisbi ahaan ay hormuud u yihiin horumarinta beelaha Gabooye.

Ugu dambeyntiina, qaar ka mid ah odeyada iyo dhallinyarada beelaha Gabooye, ayaa ciyaar dhaqameed jiib iyo jaan ah ku muujiyey taageerada buuxda ee ay u hayaan guddoomiye Cirro, iyada oo isla goobtaasna uu Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) si hufnaan ah uu ugala qeyb-qaatay ciyaar dhaqameeddii ay soo bandhigeen.

IMG_0597IMG_0615IMG_0674

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews