berberatoday.com
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Guddida Ictiraaf Raadinta Somaliland Ee Uu Magacaabay Madaxwayne Siilaanyo
February 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlay guddidii heer qaran ee ictiraaf raadinta Somaliland ee uu shalay magacaabay madaxwayne Siilaanyo, Kaasi oo ay qayb ka yihiin xisbiyada mucaaradka ah.

ENG FAYSAL CALI

Waxaana uu Eng Faysal Cali Waraabe Sheegay inuu soo dhawaynayo Guddida uu ku jiro ee ictiraaf raadinta Somaliland ee maalintii shalay ahayd digreetada ku magacaabay madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo waxaana uu yidhi.

“Horta marka u horeysa qodobka somaliland ugu wayn markii xoraynta uu ka baxay ee alle gacanteena soo galiyay qodobka kowaad waxa uu ahaa ina la xoreeyo, ka labaad waxa uu ahaa in kooni isku taaga lasoo celiyo, ka saddexaadna waxa uu aha in ictiraaf la helo, in laga shaqeeyo ictiraaf raadinta ama guddi haka shaqayso ama wasaaradiye waa shay loo baahan yahay. Guddidan la sameeyeyna waxaan u arkaa inay tahay guddi loo baahan yahay inkaste oo aad moodo in lala daahay oo dawladan hada wakhti yar baaba u hadhay,doorashana waa laga sugayaa muhiimada maanta xooga la saari lahaana waxay ahayd in la sameeyo xeerarkii siday doorashooyinku u dhaci lahaayeen, laakin hada guddidan la sameeyey waxay ila tahay in mustaqbalka shaqayn doonto anaguna xisbi ahaan  waan soo dhawaynayaa Insha alllah”Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Sidoo kalena gudoomiye Faysal Cali Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu dhaliilay hanaanka uu madaxwaynuhu u magacaabay guddida isagoona sheegay inay Tiro badan yihiin balse ay kaga haboonayd inuu Koobo  waa sida uu hadalka u dhaigay Waxaana uu yidhi.

“hanaanka uu madaxwaynuhu u marayna way yara qaldan tahay oo guddidu way yara fara badan tahay inkaste oo ay ahayd in lasoo koobo, hada golle ayay u eeg tahay laakiin dad badan oo waayo araga oo ay ahayd in mar horeba la isticmaalo ayaa ku jira allena waxaan ka baryaynaa in alle guusha ina siiyo”sidaas ayuu yidhi gudoomiye faysal

Gabagabadiina  gudoomiye Faysal Cali Waraabe mar wax laga waydiiyay in la  tallo galiyay markii guddida la magacaabay ayaa waxa uu kaga jawaabay.

“May laygama tallo galin markii uu madaxwaynuhu magacaabayay ilaa hada macal ma ogi laakin waa lay sheeg sheegaya anigu se ma arag lkn dad aad u muhiima ayaa ku jira waxaana rajaynayaa in hanaankii loo raadinayayna la dajiyo oo la sameeyo “sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Si kasteba ha ahaatee guddidan uu shalay digreetada ku magacaabay madaxwayne siilaanyo ayaa la filayaa inay qayb wayn ka qaadan doonaan sidii ay caalamka uga raadin lahaayeen Ictiraafka Somaliland madaama Somaliland aan wali la ictiraafin.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews