Daawo Muuqalka”Cuqaasha,Waxgaradka Iyo Maamulada Haayadaha Dawlada Ee Gobolka Saaxil Oo Xal Ka Gaadhay Xaaladii Colaadeed Ee Ka Dhacday Deegaanka Ceel Garde gg
February 22, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Cuqaal iyo salaadiin kasoo kala Jeeda Gobolada Saaxil iyo Bariga Togdheer ayaa maanta sirasmiya ugu dhawaaqay inay xal ka gaadheen shaqaaqo dhawaan ka dhacday deegaanka Ceel Garde oo bariga kaga beegan magaalada Berbera, shaqaaqadaas oo ka dhalatay dhismaha Deked macmal ah oo ganacsato kasoo jeeda bariga Burco halkaas ka bilaabeen dhismaheeda.
Waxaanay maanta Cuqaasha, Salaadiinta Iyo Waxgaradka labadaas beelood ee Degaanka Gobolka saaxil iyo Bariga Burco warbaahinta ushegeen in dhacdooyinka deegaankaas ka dhacay xal laga gaadhay dhismaha Dekeda Macmalka ah iyo dablaydii weerartayna Xukumadu shaqadeeda ka qabsan doonto dhismaha dekedaasna la joojiyay dibna aan loo bilaabi doonin.