berberatoday.com
Madaxtooyadda oo shaqadii Ka joojisay Sarkaal Sirdoonka Somaliland ah oo ay Ku eedeysay Inuu Xidid La Yahay Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddan
February 22, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxtooyadda Somaliland ayaa amartay in shaqada laga joojiyo Sarkaal muddo dheer kasoo shaqeynaayey arrimaha Sirdoonimada Somaliland, kaasoo ay ku eedeynayan inuu Xidid la yahay masuul ka tirsan saraakiisha sarsare ee Xisbiga Waddani. Ma jiro War si rasmi ah uga soo baxay qasriga Madaxtooyadda, hase-yeeshee ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrimahan ayaa caddeeyey in amar kasoo baxay shaqada lagaga joojiyey Muwaadin sarkaal ah oo khabiirku ah Sirdoonimada. Waxa kale oo ay Wararku intaa ku dareen in shaqo ka fadhiisinta Sarkaalkan ay ka cadheysiisay Hay’ad Ajanibi oo la shaqeysa Sirdoonka Somaliland, iyagoo walac ka muujiyey markii ay oggaadeen sifaha khaldan ee shaqada looga caydhinaayo Sarkaalkan oo ah khabiirka. Inkastoo aanay weli Warbaahintu helin magaca Sarkaalka iyo shaqsiga uu xididka la yahay, hadana arrintan ayaa hadal hayteedu cirka isku shareertay maalmihii uu danbeyeyna xiisad weyn ka abuurtay Sirdoonka iyo Madaxtooyadda oo isku maandhaafsan sifaha ku cusub dhaqanka dalka ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kusoo kordhisay, iyadoo sida Xogguhu tilmaameen tallaabadan ay gadood ka muujiyeen Ciidamada Sirdoonka Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, hab-dhaqanka Madaxtooyaddu shaqada kaga joojisay Sarkaalkan ayaa ah xadgudub, iyadoo uu Dastuurka Somaliland dhigaayo inaan shaqada laga joojin qof muwaadin ah, xattaa haddii aabihii yahay Gudoomiye ama Murashhaxa Xisbi Mucaarid ah, waxa xusid mudan inuu madaxweyne Siilaanyo xilligii uu Mucaaridka hoggaaminaayey uu muddo badan si kulul uga qayliyin jiray tallaabadii maamulkii ka horreeyey shaqada kaga hor istaagay Marwadiisa, arrintaasoo ahayd mid duudsi ah, balse lama garanaayo sababta iyo dhaqanada waqtigii hore ay kasoo hor-jeeden qoyska Madaxtooyaddu waxa ay maanta ugu dhaqmayaan.
Xigasho Xogreebnews.com
 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews